Madaxweynihii hore ee xiririka Kubbadda cagta aduunka FIFA Sepp Blatter iyo madaxii hore ee Uefa Michel Platini oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Madaxdii hore ee Fifa Sepp Blatter iyo Michel Platini ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta wax isdaba marin iyo dambiyo kale oo ka dhacay Switzerland.
Dacwad oogayaasha Swiss-ka ayaa sheegay in Mr Blatter uu si sharci darro ah u abaabulay in lacag dhan 2 milyan oo faran Swiss ah oo u dhiganta ($2.19m; £1.6m) oo lagu wareejiyo Mr Platini sanadkii 2011-kii.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in lacag bixinta ay “waxyeelo u geysatay hantida Fifa iyo Platini si sharci darro ah u isticmaalay.
Blatter iyo Platini ayaa hadda wajahaya maxkamad ku taal magaalada Bellinzona.
Haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay, labada qof waxay la kulmi karaan xabsi dhowr sano ah ama ganaaxyo.
Kiiskaan ayaa la furay Sebtembar 2015 ka dib markii Fifa, oo ah xiriirka kubbadda cagta adduunka, lagu eedeeyay musuqmaasuq baahsan.
Guddiga anshaxa ee Fifa ayaa bilaabay baaritaan ay ku arkeen in labada nin laga mamnuucay ciyaarta islamarkaana lagu qasbay inay ka tagaan boosaskooda.
Arrintan ayaa soo afjartay 17-kii sano ee uu Mr Blatter maamulayay Fifa iyo ololihii uu Mr Platini ugu jiray inuu xilka kala wareego lataliyihiisii hore.
Sanad ka dib Mr Platini ayaa lagu qasbay inuu iska casilo xilka madaxtinimo ee xiriirka kubada cagta Yurub ee Uefa, kadib markii uu lumiyay racfaan uu ka qaatay xayiraadii lagu soo rogay.
Blatter oo 85 jir ah iyo Platini oo 66 jir ah ayaa labaduba beeniyay inay wax dambi ah galeen.
Dacwadda Swiss-ku waxay ku salaysan tahay codsi ku saabsan lacag-bixinta shaqada la-talinta ee Mr Platini uu u qabtay madaxweynihii Fifa ee xilligaas Mr. Blatter intii u dhaxaysay 1998 iyo 2002.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mr Platini uu dalbaday lacagta “in ka badan sideed sano kadib markii laga joojiyay shaqadiisa latalinta”. “iyo ku lug lahaanshiyaha Blatter, Fifa waxay bixisay lacagta Platini bilowgii 2011,” ayay yiraahdeen dacwad oogayaasha.
Waxa ay sheegeen Mr Blatter iyo Mr Plantini in labadaba lagu eedeeyay wax isdaba marin, dambiyo maamul iyo been abuur dukumeenti.
Talaadadii qareenka u doodaya Platini ee Switzerland, Dominic Nellen, ayaa BBC u sheegay kalyantigiisa in uu si cad u diiday eedeymaha aan runta ahayn”.
Mr Nellen waxa uu sheegay in ay caddahay in ay ahayd in baaritaanka la joojiyo wakhti hore.
“Waxaa jira warbixino markhaati iyo dukumeenti ku filan oo ku jira galka dacwadda kuwaas oo cadeynaya in aan wax dambi ah lahayn macmiilkayga,” qareenku wuxuu yidhi. “Waxaan ku kalsoonahay 100% inaan awood u yeelan doono inaan ku caddeyno in macmiilkaygu aanu wax dambi ah galin maxkamadda horteeda.”
Hadalkiisa ayuu Mr Blatter ku sheegay in uu aad u rajaynayo in maxkamad la soo taago uuna rajaynayo in “sheekadu ay dhamaan doonto”.
Waxa uu sheegay in lacagta la siiyay Mr Platini ay tahay mid ku saleysan heshiis afka ah, islamarkaana ay dib u dhacday, sababtoo ah Fifa ma awoodin inay bixiso lacagtaas oo dhan waqtigaas.
Blatter ayaa sheegay in lacagtan ay ansixiyeen “dhammaan hay’adaha Fifa ee mas’uulka ka ah” waxaana uu Platini ku bixiyay canshuurta “goobta uu degan yahay ee Switzerland”.
Qoraalka warbaahinta, Wareysi 2019 uu siiyay BBC, madaxweynihii hore ee Fifa Sepp Blatter wuxuu sheegay inuu ahaa “nin daacad ah”
Blatter iyo Platini waxay ahaayeen labada qof ee ugu awoodda badan kubbadda cagta adduunka. Doorkooda ugu sarreeya ee hay’adaha maamulka isboortiga ayaa siisay saameenta weyn ee ciyaarta.
Laacibka kubbadda cagta ee naadiyada iyo dalkiisa u soo hooyey guul , ee Mr Platini ayaa si weyn loo saadaalinayay inuu beddeli doono Mr Blatter kaddib markii uu xilka iska casilay sannadkii 2015-kii, ka dib markii dacwad oogayaasha Maraykanku ay ku eedeeyeen musuqmaasuq dhawr ah oo ka tirsan madaxda sare ee Fifa, kaddib baaritaan weyn oo ay samaysay FBI-da.
Eedeyntan ayaa timid kadib markii weerar cajiib ah lagu qaaday hotelka raaxada ee Zurich, laguna xiray 7 ka mid ah madaxda sare ee Fifa.
Markii Mr Platini laftiisa uu faraha la galay baaritaanka, waxa uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa madaxtinimada Fifa.
Guddiga anshaxa FIFA ayaa markaas shaqada ka joojiyay Blatter iyo Platini, ka hor inta aysan markii hore mid kasta ka mamnuucin kubadda cagta muddo siddeed sano ah. Mamnuucyadaas ayaa markii dambe laga dhigay lix sano oo Mr Blatter ah iyo afar sano oo Mr Platini.
Sannadkii hore, maxkamadda xuquuqda bini’aadanka ee Yurub (ECHR) ayaa diiday racfaan laga soo gudbiyay Mr Platini, taasoo ay ku sheegtay (ECHR) “in uu ahaa mid sax ah”.