Breaking NewsTartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Tartanka K/Cagta Degmooyinka G/Banaadir 2021 Oo Muqdisho Ka Furmay Xili Kulan Saaxibtinimo Loo Aqoonsaday Cayaartii Furitaanka.

Waxaa maanta garoonka Eng-yariisoow stadiom ka furmay tartanka kubbdda cagta degmooyinka & deegaanada Gobolka Banaadir 2021, iyadoo kulankii furitaanka uu goob joog ahaa guddoomiyaha gobolka banaadir ahne duqa muqdisho Cumar Filish iyo guddoomiyaha Sportska gobolka banaadir Xasan Aadan Yabaroow Wiish iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka banaadir, waxaana si rasmi ah tartanka u furay guddoomiyahayaha gobolka banaadir Cumar Filish.

Garoonka Eng-yarisow Stadium waxaa socod ku soo maray dhammaan degmooyinka iyo deegaanada ka qayb galayo tartanka, iyadoo xusid mudantahay in sanadkaan markii ugu horreysay tartanka ay ka qayb galayaan deeganada kala ah Garasbaaleey, Daarusalaam iyo Gubadleey.

Cayaarta  furitaanka oo ka tirsanayd Guruubka A ayaa dhexmartay degmada difaacaneyso tartanka degmooyinka 2021 ee Shingaani iyo degmada  Warta-Nabadda  labada degmo ayaa soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan  kulankan ayaa loo aqoonsaday cayaar saaxiibtinimo maadaama waqtigu uu saamixi waayey in la cayaaro kulan rasmi ah, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee cayaarta macalin walbo wuxuu beddalay cayaartoydii uu ku soo galay maadaama kulanka laga dhigay kulan saaxiibtinimo taas oo fursad u siisay in cayaar kasto uu cayaaro natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 0-0,

Si kastaba Guruubka A waxaa ku wada jiro degmooyinka kala ah Shingaan Warta Nabadda, Xamar Weyne, Garasbaaleey Iyo Gubadleey.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button