SAWIRRO: Degamada Yaaqshiid Oo Guul Dirqi ah Ku Furatay Tartanka Degmooyinka 2021.
Kulankan oo ahaa mid ka tirsan Guruubka B ayaa lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow cayaartan ayaa u dhexeesay degmooyinka Yaaqshiid & Hiliwaa, qaybtii hore ee kulanka degmada Yaaqshiid ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay waxaana goolka u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 11-aad Cabduqaadir Diinoow daqiiqadii 25-aad goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad ee cayaarta.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee cayaarta waxaa garoonka laga saaray cayaaryahanka goolka u dhaliyay degmada Yaaqshiid lambarka 11-aad Cabduqaadir Diinoow daqiiqadii 62-aad ka dib markii loo taagay kaarka casaaanka waxaaana kaarkaasi uu ahaa mid toos ah taas oo hoos u dhigtay weerarkii cayaartoyda degmada Yaaqshiid, hase yeeshee natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 1-0 ay ku adkaatay degmada Yaaqshiid.
Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire oo ahaa garsooraha kulankan ayaa cayaarta ka saaray dhaliyaha goolka degmada Yaaqshiid Cabduqaadir diinoow daqiiqadii 66-aad sidoo kale waxaa kaarka hurdiga loo taagay dhanka Yaaqshiid lambarka 88-aad Axmed daqiiqadii 85-aad iyo lambarka 17-aad Cabdalle daqiiqadii 92-aad.
Dhanka degmada Hiliwaa waxaa gaarka hurdiga la siiyay xiddigaha kala ah Sakariye oo lambarka 21-aad iyo cayaaryahan Ismaaciil oo beddal ku soo galay cayaarta qaybtii 2-aad.
Si kastaba guusha ay gaartay degmada Yaaqshiid ayaa ka dhigan iney ku jiraan kaalinta 2-aad guruubka B maadaama dagmada Deyniile 2-0 kaga adkaadeen Boondheere.










