Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Degmada Deyniile Oo Guul Ku Furatay Kulankeedii Koowaad Tartanka Degmooyinka 2021

Cayaartan oo ka tirsanayd Guruubka B ayaa dhexmartay degmooyinka kala ah Boondheere iyo Deyniile labada degmo waxey soo bandhigeen qaab cayaareed weerar iyo weerar celis,

Qaybtii hore ee cayaarta daqiiqadii 25-aad waxaa fursad gool loo filan karay kooxdiisa ka lumiyay cayaaryahanka lamabarka 7-aad ee Deyniile Cabdiraxmaan kubbad uu kulaaday goosha degmada Boondheere ayaa banaanka ka martay, sidoo kale waxaa jiray fursado ay abuureen cayaartoyda degmada Boondheere hase yeeshee waxaa lagu kala nastay 0-0 qaybta koowaad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee kulanka cayaartoyda degmada Deyniile waxey cadaadis xoogan saareen shabaqa cayaartoyda degmada Boondheere taas oo keentay iney helaan goolka koowaad ee kulanka waxaana u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 7-aad Cabduraxmaan Xasan Daani daqiiqadii 56-aad,

CayaaryahanCabduraxmaan Xasan Daani oo qaab cayaareed aad u wanaagsan galabta soo bandhigay ayaa mar kale gaaray shabaqa degmada Boondheere daqiiqadii 56-aad taas oo ka dhigtay in natiijada cayaarta ay ku soo dhammaato 2-0 ay ku adkaadeen degmada Deyniile.

Garsoore Cabdullaahi Xaaji oo ahaa garsoorahan kulankaan ayaa bixiyay kaarka digniinta waxaana xiddigaha degmada Deyniile lootaagay cayaartoyda kala ah lambarka 25-aad Cabduqaadir Aweys Cusmaan lambarka 1-aad Goolhaye Cabdifitaax daqiiqadii 72-aad iyo dhaliyaha labada gool ee kulanka Cabduraxmaan Xasan Daani daqiiqadii 74-aad, ma jirin wax calaamad ah oo loo taagay cayaartoyda degmada Boondheere.

Si kastaba Guruubka B waxaa ku wada jiro degmooyinka kala Deyniile, Boondheere, Yaaqshiid, iyo Hiliwaa.

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button