Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Degmada Hodan Oo Guul Weyn Ka Gaartay Degmada X/JajabTartanka Degmooyinka.

Cayaartan oo ahayd mid aad u adag oo u dhexeesay degmooyinka Xamar Jajab & Hodan ayaa lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium,

Qaybtii hore kulanka waxey labada degmo soo bandhigeen cayaar awood ahaan garbo siman ku socotay daqiiqadii 25-aad Cayaaryahanka lambarka 21-aad Cadnaan Muxudiin Cusmaan ayaa hoggaanka u dhiibay degmadiisa Hodan ka dib markii uu madaxa ku dhaliyay kubbad gees laad ahayd oo dhanka midig laga soo laaday goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta degmada Hodan waxaa goolka 2-aad u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 11-aad Cabdixafiid Maxamed Cabdi daqiqadii 60-aad ee kulanka kaas oo kulanka ka dhigay 2-0 degmada Hodan ayaa dhalisay saddex gool oo kale 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay cayaarta.

Waxaana goolashaas raacsaday lambarka 9-aad Liibaan Maxamed Salaad daqiiqadii 80-aad lambarka 11-aad Cabdixafiid Maxameed Cabdi oo mar kale dhaliyay goolkiisa labaad iyo goolkii 4-aad ee kulanka daqiiqadii 83-aad isagoo beddal ku soo galay kulanka, waxaana bandhiga goolasha soo gabgebeeyay lambarka 19-aad Deeq Cabdllaahi daqiiqadii 88-aad natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 5-0 ay ku adkaatay degmada Hodan.

Garsoore Najiib Cawil ayaa bixiyay calaamada digniinta dhanka degmada Hodan waxaa la siiyay cayaartoyda kala ah lambarka 2-aad Maxamed shariif daqiiqadii 14aad lambarka 12aad Nuur Cusmaan Nuur daqiiqadii 22aad, iyo cayaaryahanka 21-aad Cadnaan Muxudiin Cusmaan daqiiqadii 25-aad lambarka 4-aad Maxamed Xasan Muuse daqiiqadii 56-aad

Dhanka degmada Xamar Jajab waxaa kaarka digniinta la siiyay lambarka 8-aad Maxamed Maxamuud Maxamed daqiiqadii 11-aad

Si kastaba degmada Hodan ayaa kaalinta koowaad kaga jirto guruub C waxaana kaalinta labaad ku jirto degmada Kaxda oo guul ka gaartay dhigeeda degmada Daarusalaam.

WQ/ Daacad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button