SAWIRRO: Degamada Dharkeenleey Oo U Awood Sheegatay Waaberi Tartanka Degmooyinka.
Kulanka u dhexeeyay degmooyinka Waaberi & Dharkeenleey ayaa ahaa kulankii ugu adkaa guruubka D cayaaraha galabta laga cayaaray kulankan ayaa lagu cayaaray garoonaka Stdium Muqdisho.
Cayaarta u dhexeesay labada degmo waxey ahayd mid weerar iyo weerar celis hase yeeshee daqiiqadii 23-aad waxaa hoggaanka cayaarta la warreegtay degmada Dharkenleey ka dib markii uu madaxa ku dhaliyay gool cayaaryahanka lambarka 30-aad Cabdiqani Axmed Cabdi daqiqadii 23-aad, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Dharkeenleey.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad degmada dharkeenleey ayaa heshay gool kulaad uu qaladkeeda lahaa cayaaryahanka lambarka 4-aad Waaber Cabduraxmaan Abuukar oo diilnta ganaaxa ku jilaafay mid kamid ah weeraryahanada degmada Dharkeenleey waxaana gool u beddlay lambark 8-aad Feysal Cabduqaadir daqiiqadii 47-aad kaas oo kulanka ka dhigay 2-0 daqiiqadii 47-aad.
Degmada Dharkeenleey ayaa mar kale heshay gool kulaad kale ka dib qalad u galay lambarka 9-aad ee degmada Waaberi waxaana gool u beddalay lambarka 14-aad Cabduraxmaan Axmed daqiiqadii 85-aad waa guuldaradii ugu xumeed oo soo gaarto degmada Waaberi marka dib loo eego sanadihii ugu dambeeyay, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-0 ay ku adkaatay degmada Dharkeenleey.
Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire ayaa bixiyay calaamada hurdiga dhanka degmada Waaberi waxaa loo taagay lambarka 4-aad Cabduraxmaan Abuukar daqiiqadii 34-aad ee cayaarta lambarka 8-aad Axmed Maxamed Shiiq daqiiqadii 78-aad iyo lambarka 9-aad Cusmaan Bashiir daqiiqadii 85-aad dhanka degmada Dharkeenleey wax kaar ah lama siin.
Si kastaba Guruubka D waxaa hoggaanka u hayso degmada Dharkeeleey waxaana kaalinta labaad ku jirto degmada Shibis halka weli aysan cayaarin degmada Wadajir oo ku jirto guruubkan D maadaama shan degmo ay ku jiraan guruub D.
WQ/Daacad










