SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada Kaxda oo karbaash ku biloowday Daaru-Salaam koobka Degmooyinka G/banaadir 2021

Iyada oo uu si xiiso badan garoomada caasimadda uga socdo Koobka kubadda cagta degmooyinka G/banaadir iyo deegaanada hoos yimaada, ayaa waxaa kulan aad u xiiso badan garoonka Eng-yariisoow ex Conis ku dhex maray Kooxaha Degmada KAXDA iyo Deegaanka DaarruSalaam oo kamid ah saddexda deegaan ee tartanka ku cusub,

Ciyaarta laada dhinac ayaa ku bilaabatay dar dar weerar iyo weerar celis ahayd, waxaase daqiiqadii 15-aad Xulka degmada KAXDA u suurta gashay iney helaan gool-kulaad markii kubad birta goosha soo celisay gacanta ku taabteen mid kamida daafacyada Daarrusalaam, waxaana gool u bedelya ciyaaaryahan Cabdullaahi Cabdulqaadir oo lambarka 14-aad, hase yeeshee daqiiqadii 37-aad ayey markale KAXDA hogaanka sii dheereysay markii laacibkooda kabtanka Lambarka 6-aad Khaalid Xassan Nuur Shabaqa dhigay kubad uu ka toogtay meel ka fog goosha Daarru Salaam sidaana 2-0 Kaxda ku hogaamineysay lagu kala nastay qeybta koobaad.

markii dib loo soo laabtay oo ay labada koox lasoo tashteen tababarayaashooda ayaa waxaa halkii kasii socday weerar xoogan oo ay sameynayeen dhinacyadu gaar ahaan kooxda KAXDA oo u muuqatay iney dhexda ku xoog badneyd, hase yeeshee DAARRU SALAAM ayaa soo celisay gool daqiiqaddii 50-aad waxaana u saxiixay Laacibkooda Lambarka 9-aad Isxaaq xassan Xuseen, laakiin waxaa markale shabaqa tegey daqiiqadii 58-aad,laacibkii lambarka 14-aad ee goolka u bilaabay KAXDA Cabdullaahi Cabdul qaadir xamuuni oo Madaxa ku dhaliyey gool sheekada ka dhigay in 3-1 degmadiisa KAXDA guushu ku raacdo.

garsooaraha kulanka dhex dhexadinayey ee NUURADDIIN ayaa bixiyey ilaa 4-kaar Digniin ah oo la kala siiyey 3-ciyaartooy KAXDA iyo 1 ciyaaryahan Daarru Salaam, ma jirin Ciyaaryahan garoonka looga saaray kaarka Ganaaxa ee Guduudka, waxayna guushan Degmada KAXDA uga dhigan tahay in kaalinta 2-aad Group C ku jiraan maadaama Degmada HODAN 5-0 ku suul daartay X/jajab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button