SOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada Shibis oo guul dirqi ah ka qaadatay dhigeeda Howl-Wadaag koobka Deg/Banaadir iyo deegaanada 2021

Ciyaarta Labada degmo oo qeyb ka ahayd Guruurbka D gaar ahaan kulamadii koobaad ee dhanka Guruurbyada ayaa waxaa ay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, iyadoo ay labada dhinac ka muuqatay diyaar garoow sareeya oo ay gobolada dalka ka keensadeen xiddigo metela degmadooda,taasi oo ka marqaati kaceeysa sida ay guud ahaan degmooyinka ka qeybgalaya koobka sanadkan isugu diyaariyeen tartanka,

degmada Shibis waxaa ka dhex muuqday ciyaaryahano Puntland iyo Jubbaland ka yimid si lamid ah dhinaca Howl-wadaag waxaa ay keeneen ciyaaryahano si weyn uga muuqday koobka Gobolada Puntland ee bishii Agoosto lagu qabtay Magaalada Garoowe, hase yeeshee daqiiqaddii 22-aad ayey hogaanka ciyaarta u qabteen degmada SHIBIS markii kubad Laad Toos (Free Kick) si xirfadeeysan u qaaday laacibkooda Lambarka 5-aad xirta ee Maxamed, taasi oo uu awoodi waayey Gool celiye GEESEEY inuu kubadda taabto,

laakiin wax badan kuma qaadan Howl-wadaag iney soo celiyaan goolkaasi, daqiiqaddii 37-aad ayuu ciyaaryahanka lambarka 11-aad KUUKU dhameystirey kubad si fiican looga soo shaqeeyey oo uu shabaqa garka kore ka dhaliyey 1-1 hase yeeshee Howl Wadaag ayaa heshay Gool-kulaad (Penalty) waxaana u laaday laacibkooda lambarka 30-aad Khaali Lio laakiin goolhaye GEESEEY yaa beeniyey oo si xarako leh u celiyey sidaa ayaana lagu kala nastay 1-1.

markii wada tashi ay lasoo sameeyeen dhinacyadu qeybta labaad ayeey sheekada aad u kululaatay,fursado ayeey sameeyeen dhinacyada gaar ahaan Howl wadaag oo dhowr kubad gaarsiisey diilinta ganaaxa ee Shibis si lamid ah Shibis ayaa hogaanka qabatay daqiiqaddii 58-aad markii kubad geeska laga soo qaaday uu si xarako ah cagta ugu dharbaaxay laacibka lambarka 7-aad u xirta ee CALI DHUUX halkaasoo 2-1 ka dhigay, waxaana xusid mudan in Mid kamid ah Macalimiinta Howl-Wadaag Kaarka Guduudka loo taagay ciyaarta laga saaray si lamid ah dhamaadkii kulanka ayaa waxaa Guduud loo taagay lambarka 4-aad ee Howl-Wadaag USAAME, wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 2-1 oo SHIBIS guushu ku raacday, iyagoo hadda min 3 dhibic la wadaaga DHARKENLEEY oo 3-0 uga badisey WAABERI waxaana guruurbka oo 5 ka kooban aan weli ciyaarin degmada WADAJIR.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button