SAWIRRO: Degmooyinka X/Wayne & W/Nabadda Oo Barbaro Ku Hishiiyay Tartanka Degmooyinka iyo Deeganada.
Cayaartan oo ka tirsanayd guruubka A oo u dhexeesay degmooyinka Xamar Wayne & Warata-Nabadda ayaa lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana garoonka soo buux dhaafiyay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada degmo.
Qaybtii koowaad ee kulanka labada degmo waxey soo bandhigeen cayaar awood ahaan garbo siman ku socotay waxaana daqiiqadii 13-aad hoggaanka cayaarta u dhiibay degmadiisa Xamar Wayne cayaaryahanka lambarka 7-aad Anas Maxamuud Axmed kaas oo dhaliyay gool islaab ah hase yeeshee degmada Warata-Nabadda cayaaryahanka lambarka 7-aad u xrto Cabdikariim Cabdullaahi ayaa dhaliyay gool lamid ah goolkii laga dhaliyay degmadiisa daqiiqadii 18-aad ee kulanka, kaas oo cayaarta ka dhigay 2-2 mar kale Cayaaryahanka lambarka 7-aad ee degmada Xamar Wayne Anas Maxamuud Axmed ayaa gaaray shabaqa degmada Warta-Nabadda isagoo cayaarta ka dhigay 2-1 daqiiqadii 31-aad, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay degmada Xamar Wayne oo hoggaanka hayso.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka degmada Warta-Nabadda ayaa iska soo barbareysay cayaarta waxaana goolka barbaraha u dhaliyay kabtankooda lambarka 19-aad Sakariye Nuur Maxamed daqiiqadii 63-aad waxey ahayd kubbad laadka xurta ah uu shabaqa ku hubsaday kabtan Sakariye, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-2.
Garsoore Najiib Cawil oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiyay calaamada digniinta dhanka degmada Xamar wayne waxaa loo taagay lambarka 9-aad Fuaad Bashiir daqiiqadii 33-aad lambarka 22-Cabduqaadir Muunyo Cusmaan daqiiqadii 41-aa lambarka 7-aad Anas Maxamuud Axmed daqiiqadii 44-aad lambarka 12-aad Cali ibraahim daqiiqadii 58-aad ee kulanka.
Dhanka degmada Warta-Nabadda waxaa kaarka hurdiga loo taagay lambarka 33-aad Cabduqaadir Cabdulaahi daqiiqadii 30-aad lambarka 11-aad Shuceyb maxamed nuur daqiiqadii 60-aad iyo macalinkooda Sahal Cabdi Faarax oo daqiiqadii 90-aad loo taagay kaarka guduudan.
Si kastaba guruubka A waxaa hoggaanka u hayso degmada Shingaani oo guul ka gaartay degmada Gubadleey halka Xamar wayne iyo Warta-Nabadda barbaro ay ku dhammaatay cayaartii koowaad ay cayaareen heerka gurubka A.
WQ/Daacad









