SOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Difaacadayaasha Koobka oo guul muhiim ah ka gaaray Gubadleey tartanka degmooyinka & deegaanada G/Banaadir 2021

Degmada Shingaani oo heeysata Koobka Kubadda cagta degmooyinka Gobolka banaadir ayaa guul muhiim ah ku daah furatay kulankoodii koobaad ee Guruurbyada oo ay galabta la ciyaareen deegaanka Gubadleey oo koobka ku cusub sanadkaan,

Kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid ku biloowday jawi wanaagsan oo weerar ku dhisan gaar ahaan kooxda Shingaani oo aad ugu awood badneyd qeybta dhexe ee isku dhiibka dhowrweerar oo xiriir ahna ku qaaday goolka, waxaana daqiiqaddii 20-aad u suurtagashay iney helaan gool uu u saxiixay ciyaaryahankooda lambarka 11-aad Diiriye maxamed, Fursado kale ayeey sameeyeen Shingaani laakiin waxaa lagu kala nastay 1-0.

markii wada tashi ay lasoo sameeyeen dhinacyadu qeybta labaad ayeey sheekada aad u kululaatay,fursado ayeey sameeyeen dhinacyada gaar ahaan Degmada Shingaani oo markale hogaanka dheerysay markii daqiiqaddii 85-aad Ciyaaryahan C/Waasac Muqtaar uu si qurux badan u dhaliyey kubad loo soo qaaday ooo uu xabadka ku dejiyey goolhayahana ka dul qaaday sidaa ayey sheeko ku dhamaatay 2-0 oo Shingaani guushu kaga qaaday Gubadleey, isla Guruubkaan Xamara weyne iyo Warta nabadda ayaa 2-2 wada galay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button