Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Natiijo Nuucee ah Ayaa Laga Soo Calaamadeeyay Kulankii U Dhexeeyay Degmooyinka Yaaqshiid & Deyniile.

Cayaartan oo ka tirsanayd guruubka B ayaa oo u dhexeesay degmooyinka Yaaqshiid & Deyniile ayaa lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis waxaana kulankaan u soo daabasho tagag taageerayaal aad u badan oo garoonka soo camiray.

Qaybtii hore kulanka waxey cayaarta ku bilaabatay dar dar xoogan waxaana jiray fursado ay abuureen labada degmo cayaaryahanka lambarka 9-aad ee degmada Yaaqshiid Cabdifitaax cali ayaa hoggaanka cayaarta u dhiibay degmadiisa Yaaqshiid daqiiqadii 17-aad ee kulanka, goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad walloow ay jireen fursado ay abuureen cayaartoyda degmada deyniile fursadahaasi ma aheyn kuwo ay ka faa’iideysteen Deyniile.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaarta ayaa ku socotay sidii qaybtii koowaad oo weerar iyo weerar celis ahayd daqiiqadii 95-aad degmada Deyniile ayaa heshay gool kulaad laga dhigay degmada Yaaqshiid ka dib markii diilnta ganaaxa lagu jilaafay mid kamid ah weeraryahanada degmada Deyniile qaladkaas waxaa galay lambarka 22-aad Qaalid Abuukar oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana gool kulaadkaasi gool u beddelay lambarka 20-aad ee degmada Deyniile Cabduraxmaan Aadan Ibraahim, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 ay ku kala baxeen labada dhinac.

Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire ayaa bixiyay calaamada hurdiga dhanka degmada Deyniile waxaa la siiyay lambarka 3-aad Xasan Salaad daqiiqdii 39-aad iyo macalinka 2-aad Cali Yare dhanka degmada Yaashiid waxaa loo taagay lamabarka 7-aad Maxamed Cabaas daqiiqadii 69-aad iyo lambarka 22-aad Qaalid Abuukar daqiiqadii 95-aad

Si kastaba Guruubka B waxaa hoggaanka u hayso degmada Deyniile oo galabta barbaro la gashay Yaaqshiid halka kaalinta 2-aad ay ku jirto Yaaqshiid oo dhibcaha kala siman Deyniile hase yeeshee Deyniile ayaa farqiga goolasha ugu jiro booska koowaad halka degmada Boondheere oo guul ka gaartay Hiliwaa ay ku jiro Kaalinta 3-aad guruubka B.

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button