SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Boondheere oo heshay guusheedii koobaad tartanka Degmooyinka & deegaanada g/banaadir 2021

Kooxda degmada boondheere oo guul daro ku biloowday tartanka degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir ee sanadkaan ayaa galabta heshay guul muhiim ah oo ay si dirqi ah kaga badisay degmada Heliwaa oo ay ku wada jiraan guruurbka B.

Ciyaarta labada kooxood oo ka dhacday garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay taageerayaal badan oo dhinacyada kala taageeraayey, waxayna ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, iyadoo daqiiqaddii 11-aad Boondheere Hogaanka ay qabatay markii laacibkooda lambarka 7-aad ee isla markaana ah kabtankooda SICIID XAASHI gool aad u qurux badan u dhaliyey markii uu kubadda kasoo laaday meel aad uga fog goolka Heliwaa, sidaa ayaana lagu kala nastay.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaarta ayaa ku socotay sidii qaybtii koowaad oo weerar iyo weerar celis ahayd waxayna sameeyeen fursado goolal lagu dhalin karay gaar ahaan kooxda degmada Boondheere, hase yeeshee ma jirin koox qeybtaasi shabaqa la heshay kubadda wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 1-0 guushu ku raacday Degmada Boondheere,

garsooraha ciyaarta Nuuradiin Ibraahim cali ayaa bixiyey ilaa sideed kaarka digniinta ah oo Lix kamid ah ay qaateen ciyaartoyda Boondheere labada kalena kooxda Heliwaa, mana jirin ciyaaryahan la siiyey kaarka Guduudka oo ciyaarta laga saaray, Guruurbka hadda waxaa wada hogaaminaya Yaaqshiid iyo Deyniile oo bar baro galay kulankooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button