SAWIRRO: Degmada Kaaraan Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Degmada Hodan Tartanka Degmooyinka.
Degmooyinka Kaaraan & Hodan ayaa galabta cayaar xiiso badan ku yeeshay garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis waxaana kulankan soo buux dhaafiyay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada degmo.
Qaybtii koowaad ee kulanka degmada Kaaraan ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay waxaana ay heleen labo gool- kulaad daqiiqadihii 18, 25, waxaana labadaasi gool-kulaad gool u beddalay kabtanka degmada Kaaraan lambarka 4-aad Cabaas Xuseen Axmed waxaana lagu kala nastay 2-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Kaaraan.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka degmada Hodan waxey lasoo laabteen qaab cayaareed weerar ah taaso oo keentay in ay dhankooda helaaan gool-kulaad waxaana gool u beddalay cayaaryahanka lambarka 11-aad Cabdixafiid Maxamed Cabdi daqiiqadii 54-aad, wixii intaa ka dambeeyay waxaa jiray fursado ay abuureen labada dhinac hase yeeshee natiijada cayaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay degmada Kaaraan.
Garsoore Cabdullaahi Xaaji ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la siiyay kaliya cayaartoyda degmada Kaaraan lambarka 7-aad Cabduraxmaan daqiiqadii 89-aad iyo goolhaye Abshir daqiiqadii 92-aad ma jirin wax kaar ah oo loo taagay degmada Hodan.
Si kastab guruubka C degmooyinka kala ah Kaaraan, Hodan, Kaxda iyo Xamar Jajab ayaa wadaagaan min 3-dhibcood halka Daarusalaam aysan wax dhibic laheen maadaama ay guuldaro kala kulmeen degmada Kaxda walloow kulankoodii 2-aad aysan cayaarin.
WQ/Daacad