SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Dharkeenleey oo meel iska saartay Shibis guushii 2-aad ka gaartay Koobka degmooyinka & deegaanada G/Banaadir 2021

Degmooyinka Dharkeenleey iyo Shibis oo kujira Guruurbka D, ayaa galabta ku wada ciyaaray kulamadoodii labaad ee guruurbyada koobka kubadda cagta degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir garooonka weeyn ee Stadium Muqdisho, kulankaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan oo ay dhinacyadu ku doonayeen in midba kan kale dhiniciisa dhulka ku dhigo,

Labada Kooxood ayaa guul kasoo gaaray kulamadii koobaad oo ay kasoo kala badiyeen degmooyinka Waaberi iyo Howl-wadaag, wuxuuna kulankoodu ku biloowday weerar iyo weerar celis, hase yeeshee kooxda Dharkenleey ayaa hogaanka u qabatay daqiiqaddii 5-aad markii gool kam’a ay iska dhaliyeen Shibis dhinaca kooxda Shibis ayaa sameeysay isku dayo ay ku dooneysay iney isaga soo celiyaan deyntaasi lagu lahaa, sidoo kale dharkeenleey ayaa dhowr fursadood abuurtay laakiin waxaa qeybtaasi lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen dharkeelneey,

Markii dib loo soo laabtay qeybta labaad ayey dhinacyadu sidoo kale dadaal xoogan sameeyeen, waxaana xusid mudan in Dharkeenleey ay fUrsad cajiib ah heshay daqiiqadihii 64-aad,dhowr jeerna kubadda goosha ku laadeen laakiin goolhaye GEESEEY ayaa ka diiday, hase yeeshee waxay hogaanka sii dheereeyeen daqiiqaddii 80-aad markii kubad uu si fiican uga soo shaqeeyay lambarka 9-aad uu ciyaaaryahan C/Qani Kaarik si fiican u daba mariyey goolhayaha,waxaa uuu uu kulanku kusoo dhamaaday 2-0 oo Dharkeenleey ku raacday guuhsa, waana guushooda labaad ee Guruubka oo ay hadda ku horkacayaan 6 dhibcood.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button