AFRICASOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: X/weyne oo soo laabasho cajiib ah sameeysay tartanka degmooyinka iyo deegaanada G/banaadir 2021

Guruub A

Full Time

Degmada Xamar wayne ayaa guushii ugu horeeysay koobka kubadda cagta degmooyinka iyo deegaanada Gobolka banaadir, gaartay kadib markii ay ciyaar soo laabasho cajiib ah kaga badisey kooxda Garasbaaleey oo ay kuwada jiraan guruurbka A,

Kulanka labada kooxood oo ka dhacay garoonka weyn Stadium Muqdisho ayaa waxaa u joogay taageerayaal dhinacyada kala taageerayey iyo kuwo kale ooo ay xamaasadda ciyaarta soo jiidatay, wuxuuna kulanku ku biloowdey weerar iyo weerar celis, daqiiqadihii ugu horeeyayba waxaa fursado sameeyey weeraryahanada Xamar weyne, laakiin kama aanay faa’ideysan.

Kooxda Garasbaalleey ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta markii daqiiqadii 4-aad ciyaaryahanka Lambarka 24aad Cabdirisaaq Cali Maxamed daqiiqadii uu dhaliyey gool aad u qurux badnaa oo laga sooo shaqeeyay, waxaana halkii kasii socday weerarkii xooganaa ee leysku qaadayey gaar ahaan kooxda degmada X/weyne oo dhowr weerar halis ah ku sameeysay diilinta ganaaxa ee garasbaalley, hase yeeshee 1-0 ayaa lagu kala nastay.

Markii lasoo laabtay ayey kooxda Xamar weyne weerarkii sii wadeen keliya 2 daqiiqo ayeyna ku qaadatay iney helaan goolka bar baraha, waxaana daqiiqadii 47-aad u saxiixay lambarka 10aad Cabdalle Maxamuud Maxamed, intaasi kadib Garasbaalley ayaa iyanna sameeysay labo fursad, hase yeeshee isla Xamar weyne ayaa daqiiqadii 62-aad hogaanka waxaa u dhiibay xidiga xiran lambarka 7aad aad Anas Maxamed Maxamuud daqiiqadii sidaana 2-1 guushu ku raacday X/weyne oo kulankii koobaad bar baro soo gashay iminkana 4 dhibic la wadaagta Shingaani.

KAARARKA DIGNIINTA EE KULANKA:

Waxaa la siiyay no 6aad Cabdirashiid Xasan daqiiqadii 38ad.

Waxaa lasiiyay mid kamid ah xiddigaha fadhiyo kursiga keydka xamar wayne

Casaan Xamar wayne 0

Degmada Garasbaaleey Dhankeeda

Jaale Garasbaaley 2

Waxaa la siiyay kabtan Idiris Xasan daqiiqadii 34aad.

Waxaa la siiyay no 10aad Cumar Cabdi daqiiqadii 85aad

Garsoore Nuuradiin Ibraahim Cali

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button