SAWIRRO: Deyniile oo goolal roobka uga dhigtay Heliwaa koobka degmooyinka & deegaanada G/banaadir 2021
Kulanka labada degmo oo ku wada jira Guruurbka B, ayaa ka dhacaya garoonka Muqdisho waxayna ciyaarta ku bilaabatay dar dar xoogan oo ay kusoo galeen kooxda degmada Deyniile, oo ay u suurta gashay iney hogaanka qabtaan daqiiqadii 13-aad markaasoo uu gool u dhaliyey no 9aad Aadan Isaaq, halkaa looguma simin Heliwaa waxaa markale laga dhaliyey gool kale oo uu Deyniile u saxiixay lambarka 20aad Cabduraxm Ibraahim
Kooxda Deyniile oo weerar culus sameeyneysay inta badan kulanka ayaa waxaa ay heleen Goolkii 3aad daqiiqadii 32-aad, markii uu mid kamid ah daafacyada Heliwaa kubadda si qalad ah u dhigtaymwaxaana u saxiixay Lambarka 10aad Aadam Macalin Axmed kaasi oo meel fog kasoo cararay kadib laad ku qaaday kubaddii shabaqa ayeyna gashay, Afar daqiiqo kama soo wareegin markii Goolkii 4aad Deyniile dhaliyeen, waxaana markale Shabaqa cusjiyey lambarka 9-aad
Aadan Isaaq daqiiqadii 36aad sidaa ayaana lagu kala nastay qeybtii koobaad 4-0.
markii lasoo laabtay ayey Kooxda Deyniile halkii kasii wadeen bandhigii goolasha waxaana Goolkii 5aad dhaliyay mar kale Lambarka 20aad Cabduraxmaan Iraahim daqiiqadii 50aad, sidoo kale Goolkii 6aad Deyniile Waxaa dhaliyay no 11aad Cabdikariin Bashiir daqiiqadii 66aad halka Goolka 7aad uu dhaliyay lambarka 10aad Aadam Macalin.
hase yeeshee Weeraryhanka kooxda deyniile C/raxmaan Ibraahiim oo lambarka 20-aad xirta ayaa kubad si qurux badan dhexda uga soo qaatay wuxuu u gooyay daafcyadii Heliwaa kadibna gees ka dhigay shabaq ilaaliyihii sidaasna uu ku noqday Ciyaaryahankii ugu horeeyay ilaa iminka saddexleey ka dhaliya koobka degmooyinka 2021.
Kooxda degmada Heliwaa ayaa heshay gool, hase yeeshee daqiqaddii 81-aad ayaa lasoo xiray bandhigii goolasha ee Deyniile waxaana u saxiixay ciyaaryahan bedel lagu keenay oo lambarka 29-aad u qaata deyniile, Maxamed Cabdulaaji wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 9-1 oo ay Deyniile ku xaqiijiyeen wareega 2-aad ee Bug Baxda iney usoo gudbaan kaalinta koobaad, halka Yaaqshiid sidoo kale kaalinta 2aad kusoo baxday.