SAWIRRO: Degmada Warta-nabadda Oo Guul Wayn Ka Gaartay Deegaanka Gubadley Tartanka Degmooyinka.
Kulankan u dhexeeyay degmada Warta-nabadda & deegaanka Gubadley ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium, oo ku sugnaayeen taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.
Qaybtii koowaad ee kulanka degmada Warta-nabadda waxey soo bandhigeen qaab cayaareed weerar ah waxeyna cadaadis xoogan ay saareen shabaqa deegaanka Gubadleey taas oo keentay iney helaan gool daqiiqadii 11-aad waxaana goolkaas u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 23-aad Maxamed Amiin oo maanta si wayn ugu dhex muuqday garoonka, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Warta-nabadda.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee kulanka daafaca deegaanka Gubadleey lambarka 5-aad u xirto ayaa diilinta ganaaxa ku jilaafay mid kamid ah weeraryahanada degmada Warta-nabadda taas oo keentay in laga dhigo gool-kulaad daqiiqadii
75-aad waxaana gool u beddalay lambarka 27-aad Ibraahim Abuukar oo cayaarta ka dhigay 2-0, hase yeeshee shan daqiiqo ka dib waxaa goolka 3-aad u dhaliyay oo mar labaad shabaqa deegaanka Gubadley gaaray Maxamed Amiin daqiiqadii 80-aad ee kulanka, dhamaadkii cayaarta daqiiqadaha lagu daray ayey heleen gool cayaartoyda deegaanka Gbadleey waxaana u dhaliyay lambarka 4-aad Yaasiin Ibraahim Xasan daqiiqadii 93-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay degmada Warta-nabafa
Garsoore Najiib Cawil Xasan ayaa bixiyay kaarka digniinta deegaanka Gubadley waxaa loo taagay cayaryahanka lambarka 28-aad Axmed Maxamed daqiiqadii 15-aad lambarka 34-aad Cumar Xuseen daqiiqadii 68-aad lambarka 9-aad Yaasiin Cabdullaahi daqiiqadii 76-aad iyo goolhaye Mukhtaar Axmed.
Dhanka degmada Warta-nabadda waxaa la siiyay calaamada digniinta cayaaryahanka lambarka 19-aad Sakariye Nuur daqiiqadii 25-aad lambarka 1-aad goolhaye Cabdalle. Majirin in la bixiyo kaarka guduudan kulankan.
Guruubka A waxaa hoggaanka u hayso degmada Warta-nabadda oo leh shan dhibcood halka Shingaani ay leedahay afar dhibcood walloow ay haystaan labo kulan oo harsan degmada Xamar Wayne ayaa leh 3-dhibcood waxaana u harsan labo kulan halka deegaanada Gubadley iyo Garasbaaley ay leeyihiin min hal dhibic.
WQ/ Daacad








