SOOMAALIYASportsUncategorizedWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Goroje Goalkeeping Academy oo Hargaysa ku qabtay tababar goolhayayayaal ka socda horyaalada Kubbadda cagta Somaliland.

Tababrkii ugu horeeyay oo la siiyo goolhayaasha Kubbadda cagta ee Soomaaliland oo markii ugu horeesay lagu qabtay caasimadda Hargaysa.

Tababarka waxaa bixnaayay Abdirzak Farah Gorojo oo ah tababare goolhaye oo shahaadda goolhayanimo ka heesto FA England.

Furitaanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socda wasaaradda ciyaaraha Somaaliland iyo xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliland.

Tababarkaan waxaa u socda muddo labo maalmood ah waxa uuna noqon doonaa mid sidoo kale loo sii gudbiyo gobolada kale ee Soomaaliland.

Qaar ka mid ah goolhayaasha tababarka qaatay ayaa sheegay in ay wax badan ka faaideen’ayagoo soo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin fursadda ay ku heleen gudoomiye Gorojo.

Abdirizak Farah Goroj iyo wafdigiisa ayaa u sii gudbay caasimadda deegaanka Soomaalida,aygoo hadda gaaray magaalada Wajaale.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Wasiir ku xigeenka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Degaanka Somaalida, Cabdilaahi Galab Kulmiye oo isna ah Agaasimaha Garoomada Kubada Cagta Ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaalida Deegaanka.

Iyo Khada Jiilaal Gudoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubada Cagta Somaliland  ayaa Mr Gorojo ku soo dhaweeyay magaalada Ganacsiyeedka Wajaale

Deeganka Soomaalida waxaa sidoo kale lagu qaban doonaa tababar la siin doono qaar ka mid ah goolhayaasha Kubbadda cagta deegaanka Soomaalida .

Mr Gorojo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay wasaaradda ciyaaraha Soomaaliland iyo xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliland ,waxa uu sido kale casuumaad ka helay gudoonka kubbadda cagta deegaanka Soomaalida.

Abdirizak Farah Goroj ayaa aasaasay Goroje Goalkeeping Academy oo loogu talagalay in kor loogu qaado xirfadda goolhayaasha Kubbadda cagta .

Tababarkan Waxaa Labadii Maalmood Caasimada Hargeysa Ka Gaar Ahaan Hoolka Soonyo Ka Waday Macalin Cabdirisaaq Faarax Garooje Oo Ah Gudoomiyaha Goroje Goalkeeping Academy.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button