SAWIRRO: Degamada Shingaani Oo Guul Muhiim ah Ka Gaartay Xamar Wayne Tartanka Degmooynka.
Kulan cayaareedkan oo qayb ka ahaa Guruubka A ee tartanka degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir oo u dhexeeyay degmada difaacaneyso tartanka degmooyinka Shingaani & Xamar Wayne ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium,
Degmooyinka Shingaani & Xamar Wayne ayaa qaybtii koowaad soo bandhigay qaab cayaareed awood ahaan garbo siman waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhincad, cayaaryahanka lambarka 75-aad Cabdiwaasac Muqtaar Axmed ayaa hoggaan cayaarta u dhiibay degmadiisa Shingaani dhammaadkii qaybtii koowaad daqiiqadii 41-aad, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Shingaani.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka degmada Shingaani ayaa sii dheereysatay hoggaanka cayaarta kaddib markii uu mar labaad gaaray shabaqa degmada Xamar Wayne daqiiqadii 66-aad ee kulanka cayaaryahanka lambarka 75-aad Cabdiwaasac Muqtaar Axmed kaas oo cayaarta ka dhigay 2-0, cayaartoyda degamada Xamar Wayne ayaa abuureen fursado hase yeeshee ma aheyn fursadahaasi kuwo ay faa”ideysteen cayaartoyda degmada Xama Wayne, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 ay ku adkaatay degmada Shingaani
Garsooraha kulan oo ahaa garsoore Cabdulaahi Cumar Maxamuud ayaa bixiyay kaarka digniinta kaarkii ugu horreeyay kulanka waxaa loo taagay cayaaryahanka lambarka 4-aad u xirto degmada Xamar Wayne Cali Maxamed daqiiqadii 26-aad sidoo kale waxaa la siiyay lamabarka 9-aad Fu’aad daqiiqadii 64-aad lambarka 12-aad Cali Ibraahim daqiiqadii 81-aad, dhanka degmada Shingaani kaarka digniinta la siiyay lambarka 75-aad Cabdiwaasac lambarka 13-aad Cabdirisaaq daqiiqadii 65aad lambarka 66-aad Daahir Abuukar daqiiqadii 54-aad
Guruubka A degmada Shingaani oo xaqiijisay iney u soo guddubtay warreegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka waxaa u harsan hal kulan oo la cayaari doonaan deegaanka Garasbaaley sidoo kale degmada Xamar Wayne waxaa u harsan hal cayaar oo la cayaari doonaan deegaanka Gubadley taas oo lagu go’aamin doono Guruubka A.