SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada H/Wadaag oo guul muhiim u ah ka qaadatay dhigeeda Wadajir koobka degmooyinka & deegaanada G/banaadir 2021

Degmooyinka Wadajir iyo Howl-Wadaag ayaa kulan ciyaareed qeyb ka ahaa guruubka D tartanka kubadda cagta degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir ku yeeshay garoonka weeyn ee Muqdisho, kulankaasi oo ay usoo xaadireen taageerayaasha iyo qaar kamid ah maamulka labada degmo, waxaana kulanku u muuqday mid ay diyaaar garoow usoo galeen dhinacyadu maadaama guruurbkan D uu yahay midka ugu adag tartanka.

Ciyaaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan waxaana daqiiqadii 8-aad kooxda degmada Howl-Wadaag u suurta gashay iney hogaanka qabtaan markii kubad uu si fiican uga soo shaqeeyay Weeraryahan Yacquub oo lambarka 16-aad u qaata Howl-wadaag isagoo usoo gooyey Daafacyadii kadibna sxbkiis Lambarka 10-aad si xarako ah u siiyey sidaana SAADAQ C/RAXMAAN JAAMAC ku dhaliyey.

Kooxda Wadajir ayaa sameeysay isku day ay ku dooneysay iney kusoo celiso goolkaa, isla qeybtii koobaad hase yeeshee hal fursad oo ay abuureen uma suurtagelin iney goool ku dhaliyaan waxaana lagu kala nastay qeybtaasi 1-0 hogaanka ku hayeen Hpwl-Wadaag.

Markii lasoo laabtay ayaa sidoo kale dadaal xogan la yimaadeen labada degmo gaar ahaan Howl-wadaag oo dooneysay iney goolal kale hesho iyo Wadajir oo dhankeeda ku fekereysa in xaalku ku xumaanayo hadii guul daro qaataan, wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 1-0 guudhu ku raacday Howl-wadaag oo hadda 4-dhibcood yeelatay iyo Wadajir oo 3, dhibic keliya wadata, waxaana dhanka kale Guul daro cajiib ah dhabarka loo saariyey Degmada Waaberi oo 4-1 ay ku dubatay degmada Shibis.

GARSOORE C/FATAAX SICIID MIRE

KAARARKII UU BIXIYEY

Degmada Howlwadaag               1 jaalle
Waxaa la siiyay no 28aad Cabdlaahi maxamed daqiiqadib71aad

Casaan Howlwadaag             0

Degmada Wadajir   Dhankeeda


Wadajir        3 jaalle
Waxaa la siiyay no 3aad Haashim Xuseen daqiiqadii 18aad
Waxaa la siiyay no 4aad Rufaaci aadan daqiiqadii 56aad Waxaa la siiyay no 19 Daauud Cabdicasiis daqiiqadii 81aad


Casaan Wadajir    0

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button