SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: X/jab jab iyo Kaaraan oo guul ay gaareen ku xaqiijiyey wareegga labaad koobka degmooyinka & deegaanada 2021

Kulamadii ugu danbeeyey ee guruurbka C oo ay ku jireen ilaa shan degmo ayaa galabta lagu kala ciyaaray garoomada caasimadda, waxaana kulankii ka dhacay garoonka Eng-yariisow uu u dhexeeyey degmada X/jabjab iyo Daarru-salaam kulankaasi oo ku xirneyd natiijada soo bixista labada degmo ee mid ahayd X/jajab iyo Hodan oo kulamadeeda horey u dhameeysatay.

Ciyaarta labada dhinac ayaa dar dar ku bilaabatay,waxaana ay dhinacyadu sameeyeen dalaal ay ku doonayeen iney hogaanka ku qabtaan, iyagoo goolal dhowr ah isku sigay, hase yeeshee qeybtaasi hore waxaa lagu kala tegey goolal la’aan 0-0.

markii dib loo soo laabtay oo la tashiyo ay dhinacyadu lasoo sameeyeen macalimiintooda ayaa Degmada Xamar jab Jab waxaa u suurtagashay iney hogaanka qabtaan daqiiqadii  56aad, markaasoo uu Gool u dhaliyey ciyaaryahanka lambarka 4-aad Saciid Cabduqaadir, laakiin Daarusalaam ayaa diiday in wax ka badan 4 daqiiqo lagu hogaamiyo ciyaarta, markii ciyaaryahan Saadaam Abuukar daqiiqadii 60aad uu sheekada ka dhigay 1-1, taasoo ka yaabisey taageerayaasha Xamar jab jab iyo Macalinkooda

laakiin Ciyaartoyda degmada Xamar jab Jab ayaa sameeyay dadaal ay ku heleen markale hogaanka ciyaarta, waxaana Goolkii 2aad u dhaliyay Ciyaaryahanka lambarka 9aad Sakariye Faarax daqiiqadii 65ad, sidaa ayaana sheekadu kusoo dhamaatay oo Xamar jab Jab guushu ku raacday,

Isla Guruurbkaan garoonka Stadium Muqdisho Kaaraan ayaa si xarako leh waxay dhulka ula sintay kooxda Kaxda oo ay uga badisay 4-2, natiijada Xamar jab Jab waxaa ay Rajo la’aan dhigtay kooxda degmada Hodan oo 5 dhibic lahayd horeyna uga soo badisay Xamar jab jab kulankii furitaanka weliba goolal badan, waxaana hadda Kaalinta koobaad Guruubka 8-dhibic kusoo gudbay Kaaraan, halka Xamar Jab Jab kaalinta 2-aad 7 dhibic kusoo gudubtay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button