Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Degmooyinka Shibis & Dharkeenley Oo Ka Soo Baxay Guruubka D Una Gudbay Warreegga Sideed Dhamaadka Tartanka Degmooyinka.

Waxaa galabta la soo gabagabeeyay guruubka D, tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka banaadir, labo kulan oo ka tirsan guruubka D ayaa galabta lagu kala cayaaray garoomada kubadda cagta Eng-yariisoow iyo Muqdisho Stadium.

Garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow waxaa galabta ku wada cayaaray degmooyinka Dharkeenley & Howl-Wadaag kulankaan ayaa ahaa mid aad u adag maadaama labada degmo ay wada lahaayeen min 6-dhibcood taas oo cayaarta ka dhigtay mid aad u adag cayaaryahanka degmada Dharkeenley lambarka 19-aad Cabdisalaam Ibraahim ayaa hoggaanka u dhiibay degmadiisa daqiiqadii 4-aad ee bilowgii cayaarta, goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay degmada dharkeenley ayaa sii dheerasatay hoggaanka cayaarta kaddib markii loo dhigay gool-kulaad daqiiqadii 73-aad waxaana gool u beddelay cayaaryahanka lambarka 30-aad Cabdiqani Maxamed Cabdi, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay degmada Dharkeenley oo u soo baxday warreegga sideed dhamaadka tartanka kubbadda cagta degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir.

Dhanka kale degmada Shibis ayaa guul wayn ka gaartay degmada Wadajir cayaar ka dhacday garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 3-0 oo hoggaamka ku haysay degmada Shibis goolal ay ka kala heshay lambarka 5-aad Caynab Maxamed daqiiqadii 5-aad, lambarka 11-aad Asad Aadan Salaad daqiiqadii 19-aad iyo cayaaryahanka lambarka 22-aad Bashiir Xaashi Cali daqiiqadii 33-aad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta degmad Shibis waxey dhaliyeen lix gool oo kale waxeyna natiijada cayaarta ku soo dhammaatay 9-1 oo ku adkaatay degmada Shibis oo ku soo baxday kaalinta koowaad farqiga goolasha Guruubka D.

Si kastaba Guruubka D waxaa kaalinta koowaad ku soo baxday degmada Shibis oo keensatay 9-dhibcood kaalinta labaad waxaa ku soo baxday degmada Dharkeenley oo heshay 9-dhibcood kaalinta saddexaad waxaa gashay degmada Howl-Wadaag oo heshay 6-dhibcood, halka kaalinta 4-aad ay ku dhammeysatay wadajir oo guruubka ku hartay iyagoo keensaday 4-dhibcood kaalinta ugu dambeyso waxaa gashay degmada Waaberi oo heshay kaliya hal dhibic Guruubka D.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button