Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Natiijo nuucee ah ayaa ka soo baxday kulankii dhexmaray Degmooyinka Shingaani & X/Jajab?

Cayaartan oo ka tirsanayd tartanka kubbadda cagta degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir wareeggiisa sideed dhamaadka oo u dhexeesay degmada difaacaneyso tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2021 Shingaani & Xamar Jajab ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis, waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada degmo.

Qaybtii koowaad ee cayaarta labada dhinac waxey soo bandhigeen cayaar taxadar badan ka muuqatay waxeyna degmo kasto iska ilaalineysay in laga dhaliyo gool maadaama kulanka uu ahaa mid kala bax ah oo kooxdii laga adkaado tartanka ay ka hareyso taas oo keentay in lagu kala nasto qaybtii koowaad 0-0 oo labada degmo isku mari waayeen, mana jirin fursado waaweyn oo gool loo filan karay ay sameeyeen labada degmo.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta waxey labada macalin sameeyeen beddelo taas wax badan ka beddeshay qaab cayaareedkii kulanka ee qaybtii hore soo bandhigeen labada degmo, waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhinac qaybtii labaad degmada Shingaani ayaa keensatay gool cayaarta oo ka harsan tahay 10-daqiiqo kaddib markii cayaaryahanka lambarka 22-aad Ayuub Cabdisamed uu madaxa ku dhaliyay kubbad uu ka caawiyay saaxiibkiisa Cabdirisaaq oo cayaarta beddel ku soo galay kaas oo kulanka ka dhigay 1-0, hase yeeshee waxaa sii quusiyay degmada Xamar Jajab cayaaryahanka lambarka 75-aad Cabdiwaasac Mukhtaar oo ka dhliyay goolkii labaad ee kulanka daqiiqadii 87-aad ee cayaarta kaddib markii uu ka faa’iideystay qalaadaad ay sameeyeen daafacyada degmada Xamar Jajab, Natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay degmada Shingaani.

Garsoore Najiib Cawil Xasan oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiyay kaarka digniinta wuxuuna kala siiyay labada dhinac dhanka degmada Xamar Jajab waxaa kaarka digniita la siiyay cayaartoyda kala ah lambarka 11-aad Jaabir Maxamed daqiiqadii 21aad lambarka 9-aad Sakariye Faarax daqiiqadii 37-aad Dhinaca degmada Shingaani waxaa kaarka digniinta loo taagay lambarka 75-aad Cabdiwaasac Mukhtaar daqiiqadii 18-aad, lambarka 29-aad Saadaq Cabdi daqiiqadii 58-aad kulankaan lama bixin calaamad kale.

Si kastaba degmada Shingaani ayaa u gudubtay warreegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir, degmada Shingaani ayaa warreegga afar dhammaadka la cayaari doonto midkood degmadii soo baxdo Dharkeenley iyo Deyniile oo maalinta beri ku balansan garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button