SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada Dharkeenleey oo dubatay dhigeeda Dayniile tartanka degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir 2021

Ku Guuleystayaasha koobka kubadda cagta degmooyinka gobolka banaadir 2019 ee Dharkeenleey ayaa usoo baxay wareega nus-dhamaadka koobka kubadda cagta degmooyinka gobolka iyo deegaanada 2021, kadib markii si xarago leh ay uga badiyeen dhigooda Dayniile, ciyaartii rubuc dhamaadka ee galabta ka dhacaday garoonka Eng-yariisoow.

Kulanka labada degmo ayaa ku biloowday dardar weerar iyo weerar celis ah, iyadoo deyniile kaalinta koobaaad kaga soo gudubtay guruubka ay kujirtey,halka Dharkenleey kaalinta labaad guruub D, kusoo baxday, waxaana qeybtii koobaad sameeyeen dhinacyadu fursado gool lagu dhalin karay, laakiin waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah 0-0.

Marki dib loo soo laabtay ayey sidoo kale halkii kasii wadeen weerarka gaar ahaan degmada Dharkenleey oo u suurtagshay daqiiqadii 58-aad iney shabaqa helaan, waxaana u saxiixay xiddiga lambarka 19-aad C/salaam ibraahim kadib kubad fiican oo uu kasoo shaqeeyay ciyaaryahan Saadaq Cabdulqaadir,

Kooxda Degmada dharkenleey ayaa sii waday weerarada ay ku qaadeysay goosha Dayniile waxaa markale shabaqa dhex dhigay kubadda isla weeraryahan C/salaam ibraahim oo markale saaxiibkiis Saadaq Cabdulqaadir u dhigay sidaa ayaana 2-0 guushu ku raacday degmada Dharkeelneey oo noqotay kooxda labaad ee Nus-dhamaadka joogta kadib Shingaani oo Xamar Jab jab soo reebtay.

Garsoore C/fataax Siciid Mire ayaa bixiyey ilaa Afar karaka digniinta oo mic labo ciyaaaryahan kala qaateen labada dhinac mana jirin wax kaar Guduud ah oo ciyaarta looga saaray ciyaaryahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button