Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Degmada Warta-nabadda oo Nus-darsan goolal ah ku xaaqday Kaaraan iskana xaadirisay afar dhammaadka tarantanka Degmooyinka.

Degmada Warta-nabadda ayaa u soo gudubtay warreegga afar dhamaadka tartanka kubbadda cagta degmooyinka iyo deeganada gobolka banaadir, kaddib markii ay guul wayn ay ka gaareen degmada Kaaraan cayaar ka dhacday garoonka kubbadda Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

Daqiiqadii koowaad ee biloowgii cayaarta ayay heleen gool-kulaad loo dhigay degmada Kaaraan kaddib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay mid ka mid cayaartoyda degmada kaaraan, waxaana qaladkaasi galay lambarka 3-aad Muxudiin Cabdi Muriidi oo ka tirsan degmada Warta-nabadda waxaana degmadiisa ka badbaadiyay gool-kulaadkaasi goolhaye Cabdalle kaas oo ka qabtay kabtanka degmada Kaaraan Cabaas Xuseen oo u tuuray degmadiisa daqiiqadii 2-aad ee kulanka.

Degmada Warta-nabadda ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay daqiiqadii 8-aad kaddib markii uu goosha degmada Kaaraan uu ka toogtay meel ka fog diilinta ganaaxa cayaaryahanka lambarka 4-aad Cabaas Aweys Cabduqaadir daqiiqadii 8-aad ee kulanka kaas oo cayaarta ka dhigay 1-0, dhinaca kale cayaartoyda degmada Kaaraan waxey sameeyeen iskudayo ay ku doonayeen iney ku soo barbareeyaan goolka looga hormaray hase yeeshee waxaa lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Warta-nabadda.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta degmada Warta-nabadda ayaa hoggaanka sii dheereesatay kaddib markii goolkii labaad uu u saxiixay cayaaryahanka lambarka 23-aad Maxamed Amiin daqiiqadii 52-aad wuxuuna cayaarta ka dhigay 2-0 intaas kuma filnaan degmada Warta-nabadda afar daqiiqo kaddib waxaa goolkii saddexaad sii raacsaday cayaaryahanka lambarka 7-aad Cabdikariin Cabdullaahi daqiiqadii 56-aad halka goolkii afaraad uu mar kale dhaliyay lambarka 23-aad Maxamed Amiin daqiiqadii 66-aad, goolkii shanaad waxaa dhaliyay lambarka 9-aad Ayaanle daqiiqadii 70-aad

Bandhiga goolasha degmada Warta-nabadda waxaa soo gabagabeeyay Maxamed Amiin waxeyna ahayd gool-kulaad daqiiqadii 83-aad, dhamaadkii cayaarta ayay dhaliyeen gool degmada Kaaraan waxaana u dhaliyay lambarka 10-aad Cali daqiiqadii 90-aad, Natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 6-1 oo ku adkaatay degmada Warta-nabadda waana guuldaradii ugu xumeed ee soo gaarto degmada Kaaraan.

Garsoore Cabdullaahi Xaaji oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay kaarka digniinta wuxuuna kala siiyay cayaartoyda labada dhinac degmada Warta-nabadda waxaa la siiyay cayaartoyda kala ah lambarka 3-aad Muxudiin Cabdi Muriidi daqiiqadii 2-aad, lamabarka 33-aad Cabduqaadir Maxamed daqiiqadii 14-aad, lambarka 21-aad Maxamed Nuur daqiiqadii 32aad

Dhanka degmada Kaaraan waxaa loo taagay lambarka 16-aad Mukhtaar daqiiqadii 40-aad
Iyo lambarka 6-aad Cabduraxmaan daqiiqadii 72-aad waxaana kaarkii labaad loo taagay daqiiqadii 95-aad oo cayaarta laga saaray cayaaryahan cabduraxmaan oo ka tirsanaa degmada Kaaraan.

Si kastaba degmada Warta-nabadda oo u soo baxday warreega afar dhamaadka ayaa sugi doonto midkood degmadii soo baxdo Yaaqshiid iyo Shibis oo maalinta beri ku wada cayaari doono garoonka Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button