SOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada Yaaqshiid oo Ciyaar adag kadib usoo baxday Nus-Dhamaadka Tartanka Degmooyinka & Deegaanada G/Banaadir 2021

Degmada baaxadda weyn leh ee Yaaqshiid ayaa usoo gudubay warreegga afar dhamaadka tartanka kubbadda cagta degmooyinka iyo deeganada gobolka banaadir, kaddib markii ay guul dirqi ah ay ka gaareen degmada Shibis cayaar ka dhacday garoonka kubbadda Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

Kulanka labada degmo ayaa ku biloowday dardar weerar iyo weerar celis ah, iyadoo Shibis kaalinta koobaaad kaga soo gudubtay guruubka ay kujirtey,halka Yaaqshiid kaalinta labaad guruub B, kusoo baxday, waxaana qeybtii koobaad daqiiqadii 5-aad hogaanka qabatay kooxda degmada Yaaqshiid, Waxaa dhaliyay no 88aad Axmed Cabduqaadir daqiiqadii 5aad  Waxey ahyd gees laad uu soo qaaday no 10aad Xuseen Ibraahim. Yaaqshiid,

Laakiin kooxda degmada Shibis ayaan is dhiibin dadaal badan kadib waxaa ay heleen gool-kulaad (Penaltydaqiiqadiii 37-aad waxaana u saxiixay shabaq ilaaliyahooda C/laahi Cali Shiine (Geeseey)oo marka hore laga qabtay laakiin ku celiyey, sidaa ayaana lagu kala tegey qeybtii koobaad 1-1.

Markii dib loo soo laabtay ayey sidoo kale halkii kasii wadeen weerarka gaar ahaan degmada Yaaqshiid oo u suurtagshay daqiiqadii 52-aad iney helaan gool-kulaad, hase yeeshee ciyaaryahankooda lambarka 7-aad Maxamed Cabaas,dadaal kasta oo ay dhinacyadu sameeyeen wuxuu kulanku kusoo dhamaaday waqtigii loogu talo galay 1-1, iyadoo kadib leysla aaday tuurasahda gool kulaadyo si look ala saaro oo degmo usoo baxdo.

Gool-kulaadyada loo dhiga ayaa min 5-tii ugu horeeysay waxaa guushu ku raacday 3-2 kooxda Degmada Yaaqshiid soo soo tiigsatay wareega Nus dhamaadka iyagoo kulan Semi final derbi ah la yeelan doona Degmada deriska yihiin ee Yaaqshiid ciyaartaasi oo dhici doona 21-ka bishan,

SIDA LOO TUURTEY GOOLKULAADYADA


Gool kulaad Yaaqshiid 


No. 9aad Cabdifitaax✅
No. 6aad Qaasim        ❌
No2aad Daadir siidoow ✅
No 7aad Maxamed ✅

Gool kulaad Shibis

No 23aad Mahad ❌
No 8aad Khaalid ✅
No 17aad Cabdifitaax ✅
No 11aad Asad        ❌
No 99aad Cabdulaahi Geeseey

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button