Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Dharkeenleey oo galabta iska xaadirisay Final-ka tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir markii ay garaaceen Shingaani.

Kulan cayaareedkan oo u dhexeeyay degmooyinka Shingaani & Dharkeenleey kana tirsamaa wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis, waxaana galabta garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.

Cayaarta ayaa ku bilaawatay weerar iyo weerar celis waxaana labada degmo ay soo bandhigeen qaybtii hore ee kulanka cayaar awood ahaan garbo siman, cayaaryahanka lambarka 30-aad Cabdiqani Maxamed Cabdi ayaa hoggaanka kulanka u dhiibay degmadiisa Dharkeenleey daqiiqadii 23-aad kaddib markii uu madaxa ku dhaliyay kubbad laga soo laaday qaybta dambe daafaca degmada Dharkeenleey taas uu awoodi waayay inuu badbaadiyo Goolhaye Saciid Alaaley oo aan wax gool ah laga soo dhalin dhammaan kulamadii ay soo cayaartay degmada Shingaani.

Dhinaca kale xiddigaha degmada Shingaani waxey abuureen fursado halis ku ahaa degmada Dharkeenleey hase yeeshee waxaa lagu kala nastay qaybtii koowaad 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Dharkeenleey.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad cayaartoyda degmada Shingaani waxey weerar is daba joog ah ay ku soo qaadeen shabaqa degmada Dharkeenley si ay iskaga soo barbareeyaan goolka lagu hoggaaminayay laakiin uma suurtagalin iney dhaliyaan goolka barbaraha kulanka, Natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay degmada Dharkeenleey oo u gudubtay fiinalka tartanka degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir.

Garsooraha kulanka Cabdullaahi Xaaji ayaa bixiyay kaarka digniinta cayaartoyda degmada Dharkeenleey waxaa loo taagay lambarka 14-aad Cabduraxmaan Mahdi Ciise daqiiqadii 18-aad, lambarka 31-aad Liibaan Ilyaas daqiiqadii 68-aad, dhanka degmada Shingaani waxaa la siiyay lambarka 75-aad Cabdiwaasac daqiiqadii 33-aad, lambarka 24-aad Maxamuud Khaliif daqiiqadii 70-aad, sidoo kale waxaa cayaarta laga saaray Cabdiwaasac Mukhtaar oo qaatay kaarkii labaad daqiiqadii 88-aad ee kulanka.

Si kastaba degmada Dharkeenleey ayaa iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka banaadir, iyagoo sugi doono cayaarta fiinaalka, midkood degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid oo beri ku balansan garoonka Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button