SAWIRRO: Warta-nabadda oo iska xaadirisay Final-ka tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir kaddib guul dirqi ah ay ka gaareen Degmada Yaaqshiid.
Kulan cayaareedkan oo u dhexeeyay degmooyinka Warta-nabadda & Yaaqshiid kana tirsanaa wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis, kulanka oo ahaa mid aad u adag waxaa garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.
Qaybtii koowaad ee kulanka labada degmo waxey soo bandhigeen cayaar aad u adag waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhinac, daqiiqadii 21-aad ee kulanka degmada Warta-nabadda ayaa loo dhiigay gool-kulaad kaddib markii uu kubbadda gacanta ku soo celiyay daafaca lambarka 2-aad Cabdiqaadir Siidoow iyadoo lagu jiro guddaha diilinta ganaaxa taas oo keentay in loo taago kaarka guduudan waxaana laga dhigay gool-kulaad uu gool u beddelay cayaaryahanka lambarka 27-aad Ibraahim Abuukar kaas oo cayaarta ka dhigay 1-0 daqiiqadii 21-aad ee kulanka,
Dhanka kale cayaartoyda degmada Yaaqshiid oo ku cayaarayay 10-cayaartoy waxey ku qaadatay muddo shan daqiiqo gudaheed iney iska soo barbareeyaan goolka looga hormaray waxaana u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 9-Cabdifitaax Diini daqiiqadii 26-aad ee kulanka, hase yeeshee intaan la aadin qaybta nasashada waxaa mar kale hoggaanka cayaarta u dhiibay degmadiisa Warta-nabadda cayaaryahanka lambarka 7-aad Cabdikariin Cabdullaahi daqiiqadii 39-aad waxaana lagu kala nastay 2-1 oo hoggaanka ku hayso degmada Warta-nabadda.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka garsoore Najiib Cawil ayaa cayaarta ka saaray cayaaryahanka lambarka 7-aad Cabdikariin Cabdullaahi kaddib markii uu qaatay kaarkii labaad ee digniinta taas oo cadaadiska ka yareesay cayaartoyda degmada Yaaqshiid oo ku cayaarayay 10-xiddig, wixii intaa ka dambeeyay degmada Warta-nabadda waxey cayaarta u beddeleen qaab daafac ah halka xiddigaha degmada Yaaqshiid ay dadaal xoogan u galeen sidii ay ku dhalin lahaayeen goolka barbaraha hase yeeshee uma suuragalin, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 oo ku adkaatay degmada Warta-nabadda oo iska xaadirisay fiinaalka tartanka degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir 2021.
Garsooraha kulanka Najiib Cawil Xasan ayaa bixiyay kaarka digniinta cayaartoyda degmada Warta-nabadda waxaa loo taagay lambarka 1-aad Goolhaye Cabdulaahi Axmed daqiiqadii 30-aad, lambarka 7-ad Cabdikariin Cabdullaahi daqiiqadii 39-aad kadib markii uu fanaanada siibtay cayaaryahan Cabdikariin ayaa cayaarta laga saaray daqiiqadii 54-aad kaddib markii uu qaatay kaarkii labaad ee kulanka, dhanka degmada Yaaqshiid waxaa la siiyay calaamada digniinta lambarka 6-aad Qaasim saalax daqiiqadii 51-aad sidoo kale waxaa cayaarta laga saaray cayaaryankanka lambarka 2-aad Cabduqaadir Siidoow daqiiqadii 21-aad ee kulanka kaddib markii uu gacanta ku soo celiyay kubbad dhaaftay goolhayaha degmada Yaaqshiid.
Si kastaba degmada Warta-nabadda ayaa iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir, waxeyna cayaarta fiinaalka ay la cayaari doonaan degmada Dharkeenleey 27/12/2021 maalin Isniin ah.












