SOOMAALIYASportsTAARIIKHTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Dharkeynleey oo ku guuleysatay koobka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka banaadir 2021

Kooxda Kubadda Cagta ee Degmada Dharkeynleey ayaa ku guuleysatay Koobka degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir 2021, kaasi oo si xiiso leh uga socday garoomada Muqdisho iyo Eng-yariisoow ee gobolka Banaadir, kadib markii Gool-kulaadyo 6-5 uga guuleyatay dhigeeda Warta-Nabadda oo kulankoodii aadka u adkaa kusoo dhamaaday goolal la’aan 0-0.

Ciyaarta labada degmo ayaa waxaa kasoo qeybgalay daawashadeeda Kumanaan Kun oo taageere oo ay kujiraan Madaxda Gobolka banaadir iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka intooda badan, waxaana ay ku bilaababatay weerar iyo weerar celis, iyadoo ciyaryahanada degmada Warta-nabadda oo markoodii ugu horeeysay soo gaaray Kama danbeysta 20-sano kadib ay muujiyeen fir fircooni ay ku qaban kareen hogaanka ciyaarta markii 3 fursadood ay sameeyeen, waxaana aad u muuqday ciyaaryahan Maxamed Amiin iyo Ayaanle Cismaaan kuwaa oo si fiican iskula jaan qaadayey, Ayaaanle ayaana 2 jeer goolhayaha kubadda ula tegey hase yeeshee uma dhalanin, dhinaca Dharkenleey keliya hal fursad ayey sameeyeen qeybta koobaad waxaase lagu kala nastay 0-0.

markii dib loo soo laabtay ayey dhinacyadu sii wadeen dadaalkooda ku doonayeen iney shabaqa ku tiigsadaan,Lambarka 9-aad Wartanabadda ayaa dhalin gaaray gool laakiin gool celiayaha Dharkenleey Liiban Ilyaas ayaa si cajiib ah u badbaaday daqiiqadi 76aad,kaasoo ahaa Xiddiga Kulanka, iyadoo sidoo kale Weeraryahan C/Qani Kaarik oo Dharkeynley katirsan uu helay kubad cajiib ahayd laakiin laga badbaadiyey wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 90-kii daqiiqo loogu talagalay 0-0, waxaana gool kulaadyo lagu kala saaray 6-5 guushu ku raaacday Dharkeynleey oo markii saddexaad qaaday koobkan kadib 2011 & 2019-kii.

sida loo tuurtay gool-kulaadyada :

Gool Kulaadyo Dharkeenleey
No. 19aad Cabdisalaan Ibraahm  ❌
No. 66aad   Xusni                          ✅
No. 5aad Maxamed Ibraahim       ✅
No. 14aad  Mahad Ibraahim          ✅
No. 30aad Cabdiqani Axmed       ✅  No.  13aad Yuusuf Jaabir               ✅
No 6aad Cabdisamed                    ✅
…………………………… ……………………………..

Dhanka Degmada Warta-nabadda 
Gool Kulaad Warta-nabadda 
No. 27-aad Ibraahim Abuukar    ✅
No. 8aad Maxamed Daahir          ✅
No. 23aad  Maxamed Amiin          ✅
No. 4aad Cabaas cabduqaadir    ❌
No. 10aad Cabdicasiis Maxamed     ✅
No. 14aad Maxamed Cabduraxman  ✅
No 15aad Amiin Maxamed                    ❌

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button