Breaking News

SAWIRRO: Jaamacadda Capital University oo soo gabagabeysay tartanka k/cagta ee loo qabtay ardeyda wax ka barata Jaamacadda.

Koobkan oo ah mid sanadkiiba mar loo qabto ardeyda wax ka barato Jaamcadda Capital Universty ayaa lagu soo gabagabeeyay garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow Stadium ee degmada Cabdicasiis.

Tartankan ayaa bilaawday 21-02-2021 waxaana ka qaybgalay 21 kuliyadood oo kamid ah kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Capital University waxaana fiinaalka tartanka iskugu soo haray kuliyadaha kala ah Medical Lab & Computer Science IT cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan waxey labada dhinac ay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 waxaana Gool-kulaadyo ku adkaatay Medical Lab oo noqotay horyaalka Jaamacadda Capital University 2021.

Dhanka kale waxaa guddaha garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ku sugnaa maamulka Jaamacdda Capital University oo halkaas ku bixiyay abaal-marino kala duwan iyo koobkii Jaamacadda oo ku guuleysteen kuliyada sheybaarka caafimaadka Medical Lab.

Si kastaba tartankan ayaa ah mid sanadle ah kaas oo loo qabto dhammaan ardeyda wax ka barato qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Capital Universty.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button