Breaking News

SAWIRRO: Xulka K/cagta Soomaaliya oo cayaaray kulankii ugu horeeyay ee saaxibtinimo ka hor kulanka Xulka Eswatini.

Xulka Qaranka kubbadda cagta ee dalkeenna Soomaaliya ayaa xalay cayaaray kulankii ugu horreeyay ee saaxiibtinimo ka hor kulanka ay la cayaari doonaan 23-ka bishan Xulka kubbadda cagta Eswitini cayaar ka tirsan Isreeb-reebka tartanka kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Africa oo lagu qaban doono dalka Ivroy Coast 2023,

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka hor kulankaasi waxey ku jiraan tijaabo cayaareed xalay ayay la cayaareen kooxda kubbadda cagta Young African ee ka dhisan horyaalka Tanzaniya, kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan waxey labada dhinac soo bandhigeen qaab cayaareed weerar iyo weerar celis ah daqiiqadii 18-aad ee kulanka waxaa gool u dhaliyay xulka Soomaaliya cayaaryahanka lagu magacaabo Zakariya Xassan, hase yeeshee kooxda Young ayaa iska soo barbareysay goolka looga hormaray intaan la aadin qaybta nasashada oo lagu kala nastay 1-1

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta waxey sameeyeen wiilasha xulka Qaranka Soomaaliya iskudayo ay doonayeen iney ku dhaliyaan goolal kale, hase yeeshee waxey iska caabin kala kulmeen cayaartoyda kooxda kubbadda cagta Young African oo ah kooxda hoggaamineyso horyaalka heerka koowaad ee dalka Tanzaniya waxaana natiijada cayaarta ay ku soo dhammaatay waqtigii loogu talagalay 1-1 oo labada dhinac ay ku hishiiyeen.

Markii cayaarta ay soo dhammaatay waxaa Astaan Sports kula hadlay guddaha garoonka kubbadda cagta Azam Stadium oo kulanka lagu cayaaray macalinka xulka Qaranka Soomaaliya Pieter de Jongh waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaab cayaareedka cajiibka ah ay soo bandhigeen wiilasha xulka Qaranka Soomaaliya isagoo intaa kudaray iney la cayaari doonaan kulanka xiga ee saaxibtinimo kooxda kubbadda cagta Azam ee ka dhisan dalka Tanzaniya.

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa la cayaari doono xulka kubbadda cagta Eswitini Isreeb-reebka tartanka kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Afrika 23/03/2022.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button