Breaking News

SAWIRRO: Macalinka xulka qaranka Soomaaliya oo ka hadlay guuldarradii ka soo gaartay kooxda Azam FC.

Macalinka xulka qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay guuldarradii ka soo gaartay cayaarta saaxibtinimo kooxda kubbadda cagta Azam FC oo kamid ah kooxaha ka dhisan horyaalka Tanzaniya kuna jirto booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee dalka Tanzaniya.

Macalin Peter de Jongh oo Astaan Sports kula hadlay guddaha garoonka kubbadda cagta Azam Stadium, ayaa sheegay in kulankan ay la cayaareen kooxda kubbadda cagta Azam uu ahaa mid ay ku tijaabinayeen cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya maadaama ay jiraan cayaartoy cusub oo gadaal ka yimid kuwaasi oo u baahnaa tijaabo wuxuuna intaa kudaray in quraxda ay ahayd mid aad u kulul taas oo cayaartoyda ku adkeyd, macalin Peter de Jongh ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in ay xoogga saari doonaan kulanka ay la cayaarayaan xulka qaranka Eswitini 23-ka bishan isreeb-reebka kooxda qaramada qaaradda Afrika.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa la hormaray goolka koowaad ee kulanka waxaana u dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Mukhtaar Suleymaan daqiiqadii 44-aad goolkaasi ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad ee cayaarta, wiilasha xulka qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan qaybtii hore ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta macalin Peter de Jongh ayaa beddelay qaar kamid ah xiddigihii qaybtii hore taas oo keentay in laga soo barbareeyo goolka daqiiqadii 65-aad waxaana gool u dhaliyay kooxda Azam ciyaaryahan Ayuub, kooxda kubbadda cagta Azam ayaa hoggaanka cayaarta la wareegtay daqiiqadii 81-aad kaddib markii uu shabaqa gaaray cayaarayahanka lagu magacaabo Idiris, halke goolkii 3-aad uu sii raacsaday daqiiqadii 93-aad Lyanga, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda Azam oo maamulo macalinkii hore ee kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdixamiid.

Xulka qaranka dalkeenna Soomaaliya ayaa cayaaray labo kulan oo tijaabo ah kulankii koowaad waxey babaro la galeen kooxda Young African halka kulankii labaad ay guuldarro kala kulmeen kooxda Azam ka hor kulanka isreeb-reebka koobka qaramada qaaradda Africa ay la cayaari doonaan xulka Eswitini 23-ka bishan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button