Uncategorized

SAWIRRO: Isku aadka tartanka kubbadda cagta Ifi Ramadaan Cup oo lagu sameeyay Xarunta Astaan.

Isku aadka tartanka kubbadda cagta Ifi Ramadaan Cup ayaa shalay lagu sameeyay xarunta Astaan, tartankan waxaa ka qaybgali doona 16 kooxood oo loo kala qaybiyay afar kooxood, waxaana guruub kasto ka soo bixi doona laba kooxood.

Tartankan ayaa ka furmi doono maalinta isniinta garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium ee ku yaalo km4 degmada Waaberi, isku aadka tartankan oo lagu sameeyay xarunta Astaan waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo dhammaan wakiilo ka socday kooxaha ka qaybgalayo tartankan Ifi Ramadaan Cup oo socon doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan Ramadaan.

Si kastaba Ifi Ramadaan Cup waxaa isku arki doono kooxo matalayo shirkadaha ganacsiga gobolka Banaadir, Jaamacadaha waxbarashada dalka iyo kooxo kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button