Breaking News

SAWIRRO: Tartan kubbadda cagta ah oo maanta ka furmi doono magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmi doono tartan kubbadda cagta oo loogu magacdaray Kulmis Business Cup kaas oo ka qaybgali doonaan 16 kooxood oo lagu soo koobay min afar koox, isku aadka tartanka oo lagu sameeyay xarunta Astaan waxaa ka soo qaybgalay dhammaan wakiilada kooxaha ka qaybgalayo tartankan  Kulmis Business Cup.

Tartanka ayaa lagu cayaari doonaa garoonka kubbadda cagta Baravo Stadium oo ku yaalo xaafada Taleex ee degmada Hodan, tartanka ayaa socon doono inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, cayaarta furitaanka galabta waxey dhexmari doontaa kooxaha ku wada jiro guruubka A Gacal FC & Arbe FC waxaana la baasan doona kulankan saacada markey tahay 4:30 pm xiliga magaalada Muqdisho.

Si kastaba is araga koowaad ee kooxaha ka qaybgalayo tartanka Kulmis Business Cup ayaa la soo gabagabeen doona maalinta Sabtida oo taariikhda ku beegan tahay 09/04/2022 iyadoo maalinta ku xigto uu bilaaban doono is araga labaad heerka guruubyada sida ku cad jadwalka tartanka oo nuqul kamid ah soo gaaray xafiiska Astaan Sports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button