Breaking NewsUncategorized

SAWIRRO: Astaan Sports oo maaliyado lagu cayaaro ku wareejisay qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan xaafadaha Muqdisho.

Xili xaafadaha magaalada Muqdisho ka socdaan tartamo kubbadda cagta ah oo lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan, Shirkada Astaan Sports ayaa guddoonsiisay maaliyado lagu cayaaro kubbadda cagta qaar kamid ah kooxaha ka dhisan xaafadaha degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wakiilo ka socda kooxaha la guddoonsiiyay maaliyadaha lagu cayaaro ayaa soo gaaray xarunta Astaan waxaana halkaasi ku guddoomeen maaliyadaha ay ugu talagashay Astaan Sports kooxaha ka cayaaro xaafadaha magaalada Muqdisho, qaar kamid ah dhalinyarada oo ka hadlay sida ay u arkaan maaliyadahan ay ka guddoomeen Astaan Sports ayaa ugu mahadceliyay hormarka iyo dadaalada Astaan Sports ugu jirto iney hormariso cayaaraha guud ee dalka.

Si kastaba ma ahan markii ugu horreysay Astaan Sports ay guddoonsiiso kooxaha ka dhisan magaalada Muqdisho maaliyado lagu cayaaro kubbadda cagta  iyo agabyo kale oo dhameystiran.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • teee
Back to top button