Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Bayern Munich oo ku guuleysatay horyaalkii tobnaad oo xiriir ah.

Kooxda kubbadda cagta Bayern munich ee ka dhisan horyaalka dallka Jarmalka Bundesliga ayaa xalay u dabaaldegtay ku guuleysiga horyaalka daalkaasi ee xili ciyaareedkan 2021/22.

Bayer ayaa kulankii 33-aad garoonkeeda Alyenza Arena xalay kula ciyaartay naadiga VFB Stuttgart ciyaar ku soo dhammaatay 2-2 ah, barbarahaas ayaana ka caawiyey Xiddigaha naadiga Bafaariyaanka xaqiijinta hanashada horyaalkii 10-aad oo xiriir ah laga soo bilaabo 2013 illaa haatan oo ah 2022, horyaalkii 32-aad ayeyna sidaas ku xareysatay kooxda faca weyn ee Bayer munich.

Naadiga Bayer munch oo xagaagan 33 kulan ciyaartay 24 ka mid ayey guul gaartay, 4 kulan barbaro ayey gashay 5 kulan waa laga adkaaday waxay uruursatay 76-dhicood, 95-gool ayey dhalisay, 35-gool ayaa laga dhaliyey.

Gool dhallinta Bundesliga waxaa horkacaya xiddiga 33-jirka ah ee xulka poland iyo kooxa Bayer Munich Robert Lewandowski oo dhaliyey 34-gool, halka Thomas Mullerka uu noqday gool caawiyaha ugu sareeya sanadkan horyaalka dalka jarmalka wuxuuna caawiyey 17-gool.

Naadiga Bayer Munich ayuu rikoorkan u yahay mid u gaar ah oo aysan jirin koox kale oo 10 sano xiriir ah hanatay horyaalka dalka Jarmalka dhammaan 5-ta horyaal ee Yurub sida horyaalada, Faransiiska, Spanishka, ingiriiska, taliyaaniya iyo kan Jarmalkaba, Kooxaha sida xiriirka ah ugu guuleystay  horyaalada Yurub waxey kala yihiin Bayer Munich oo 10-sano si joogto ah u qadaay horyaalka Jarmalk, Juventus oo 9-sano oo xiriir ah hanatay Seria A dalka Taliyaaniga, kooxda Lyon oo 7-sano isku xigta qaaday horyaalka Faransiiska iyo Man united oo 3 xili ciyaareed isku xijisay horyaalka Englan premier league.

Ku guuleysiga koobkii 10-aad oo xiriir ah ayaa kooxda Bayer Munich u sahli doonta iney heshiisyo cusub u saxiixdaan laacibiinta kala ah Thomas Muller, goolhaye Manuel Neur iyo Robert Lewandowski iney baaqi ku sii ahaadaan sanado kale garoonka kooxda Bayer Munich.

Bayer ayaana weli u muuqata inay tahay kooxda ugu tunka weyn Bundesliga maadaama 10- horyaal si xiriir ugu guuleysatay.

WQ/ Kismaayo

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button