Somali premier league

Warbixin: Xog ku saabsan kooxda K/Cagta Raadsan & xilli cayaareedkii dhammaaday Somali Premier League 2020/21.

Warbixinteenna maanta waxaan ka diyaarinay bandhigii wanaagsanaa ee Kooxda kubbadda cagta Raadsan xili cayaareedkii dhammaaday 2020/21 naadiga Raadsan ayaa ku dhammeysatay kaalinta 4-aad kala sareynta horyaalka Somali Premier League, kooxda macallin Cabdi Joon ayaa noqotay kooxdii ugu difaaca fiicneyd xili cayaareedkii dhammaaday 2020/21,  wejiga hore ee Horyaalka 9-kii kulan ay safteen 6 kulan oo ka mid ah wax gool ah lagama dhalin, kaliya saddex kulan ayaa  3-gool laga dheliyay, guud ahaan 18-kii kulan oo ay safteen waxaa laga dhaliyay 10 gool, sidaasna waxay ku noqotay kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay marka la eego dhammaan kooxihii ka qaybgalay  horyaalka Somali Premier League xilli cayaareedkii 2020/21.

Kooxdsa kubbadda cagta Raadsan ayaa keensatay 33-dhibcood waxey isku dhibco noqdeen naadiga Heegan oo ku dhameysatay booska 3-aad ee horyaalka Somali premier league, hase yeeshee farqiga goolasha ayey kooxda Heegan ku heshay booska 3-aad maadaama ay u soo hartay 15 gool halka naadiga Raadsan 9 gool oo nadiif ah ay keensadeen, haddii kooxda Raadsan ay adkaan laheyd labo kamid ah saddexda kulan ee laga adkaaday waxey ku tartami lahaayeen hanashadda horyaalka Somali Premier League 2020/21,

Kooxda Raasan ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxaha ugu waaweyn horyaalka Somali Premier League naadiga Raadsan ayaa 2-1 ku garaacday kooxda kubbadda cagta Dekadda waxaana goolasha u kala dhaliyay xilligaas cayaartoyda kala ah  C/wahaab Aweys iyo  Faahin C/dulaahi, halka goolka kooxda Dekadda uu dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Cali Cabdi, guushii labaad ee kooxda Raadsan ay ka gaartay kooxaha waaweyn waxaa kamid ahaa naadiga Elman oo ay ku garaaceen 1-0 waxaana goolkaasi u dhaliyay cayaaryhanka lagu magacaabo Yaasiin Aweys Maxamed  guushii saddexaad waxey ka gaareen naadiga ku guuleysatay horyaalka ee Horseed waxeyna ku garaaceen 1-0 gool uu dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Cabdiwahaab C/qaadir  guushii 4-aad waxey ka gaareen kooxda kubbadda cagta Heegan ay kaga adkaadeen 1-0 gool uu dhaliyay Jabriil Xasan Fariid , Kooxda Raadsan oo la kulantay saddex guuldarro wejiga labaad ee horyaalka Somaali Premier League waxey ka soo gaartay kooxaha kala ah MCC, Elman ,iyo Dekadda.

Goolhayaha Kooxda Kubbadda Cagta ee Raadsan Yuusuf Lambaasa ayaa noqday goolhayaha kulmada ugu badan shaqabaqiisa illaashada,11 kulan ka mid ah gool lagama dhallin 18 kulan uu kooxdiisa u saftay ma jirin goolhaye kale oo difaacday shabaqiisa 11 kulan oo kamid ah cayaaraha Somali Premier League.

Macalin Cabdi Joon oo ahaa macalinkii kooxda Raadsan ku hoggaamiyay guulo waaweyn ayaa isaga tagay kooxda Raadsan kaddib markii uu dhamaaday xili cayaareedkii 2020-21, war saxaafadeed ay soo saartay kooxda Raadsan 29-Julay 2021 ayey kooxda ku  xaqiijisay inuu katagay macalin Cabdi Joon sababo isaga gaar u ah waxeyna kooxda ugu mahadcelisay waqtigii wacnaa uu kooxda la qaatay,  Dhanka kale tababare Cabdi Joon oo horey usoo leyliyey kooxo dhowr ah oo ay kamid yihiin Elman, Dekedda iyo Horseed ayaa lagu xusuustaa inuu soo saaray ciyaaaryahano badan oo iminka ka dhex muuqda horyaalka dalka, wuxuuna kooxda Raadsan oo uu leylinayey hal Fasal uu ka dhigay mid kamida kooxaha laga baqo maadaama ay wacdaro ka dhigeen horyaalkii dhammaaday 2020/21 oo ku guuleysatay kooxda Horseed.

Si kastaba Kooxda Raadsan waxaa loo magacabay Maxamed Cabddulle Farayare oo ah macalin soo hoggaamiyay kooxaha ugu waaweyn horyaalka Somali Premier League iyo xulka Qaranka Somaaliya tan iyo markii Macalin Cabdi Joon uu ka tagay naadiga Raadsan waxaa jiray is beddelo Maamul iyo Mid cayaaryahano oo kooxda lagu sa meeyay

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button