HORYAALADA

SAWIRRO: Kooxaha Rajo FC & Gasco oo barbaro ku hishiiyay kulankii koowaad ee furitaanka horyaalka heerka saddexaad.

Waxaa shalay si rasmi ah u furmay horyaalka heerka saddexaad ee dalka, cayaartii furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha XKCS Mudane Cali Axmed Abuukar Cali  Shiine, xubno ka socdo Guddiga fulinta XKCS garsoorayaal heer calaami iyo cayaartoy hore,

Kulanka furitaanka oo waxaa qudbad kooban ka jeediyay Guddoomiyaha XKCS Muddane Cali Shiine wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka horyaalka heerka saddexaad xili cayaareedka 2021-22, isagoo intaa kudaray in uu hore u magacaabay guddi ka kooban shan xubnood uu horkacayo Mudane Abuukar Isloow oo qiimeen doon cayaar kasto oo ka tirsan horyaalka heerka saddexaad waxyaabaha guddiga uu qiimeen doono waxaa ka mid ah aqlaaqda cayaartoyda wanaagsan bandhiga kooxaha taas oo abaal-marino lagu bixin doono sida uu sheegay guddoomiye Cali Shiine.

Cayaarta furitaanka oo u dhaexeesay kooxaha Gaasco FC & Rajo FC ayaa bilaabatay waxeyna labada kooxood soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan oo weerar iyo weeray celis ah, waxaa jiray fursado ay abuureen labada dhinac hase yeeshee natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 0-0 oo labada kooxood isku mari waayeen kulankooda koowaad ee horyaalka heerka saddexaad xili cayaareedka 2021-22.

Garsooraha koowaad ee kulanka wuxuu garsoore Nuuradiin Ibraahim Cali halka calan wadaha koowaad uu ahaa Liibaan Mire Muuse calan wadaha labaad wuxuu ahaa Cadnaan Axmed halka garsooraha keydka uu ahaa Yahye Daahir Tahliil.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button