HORYAALADA

SAWIRRO: Kulamo ka tirsan horyaalka heer saddexaad oo la cayaaray.

Labo kulan oo ka tirsan horyaalka heerka saddexaad ayaa shalay lagu kala cayaaray garoomada kubbadda cagta Muqdisho Stadium & Eng-yariisoow.

Garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow waxaa ku wada cayaaray kooxaha kubbadda cagta Somali Fruit & Ummah Hospital, cayaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxey labada kooxdood soo bandhigeen qaab cayaareed aad wanaagsan daqiiqadii 47-aad waxaa hoggaanka cayaarta u dhiibay kooxdiisa cayaaryahanka lambarka 7-aad kooxda Ummah Hospitaal daqiiqadaha dheeriga ee lagu daray kulanka goolkaas ayaa lagu kala nastay.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kooxda kubbadda cagta Somali Fruit ayaa la timed goolka barbaraha waxaana madax ku dhaliyay cayaaryahanka lambarka 21-aad Cali Aawoow daqiiqadii 73-aad wuxuuna cayaarta ka dhigay 1-1 hase yeeshee labo daqiiqo kaddib ayey keensadeen goolka guusha cayaartoyda kooxda Ummah Hospoitaal gool uu dhaliyay cayaaryahanka lambarka 14-aad daqiiqadii 75-aad ee kulanka, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 oo ku adkaatay kooxda Ummah Hospitaal oo heshay guushii koowaad kulankoodii koowaad ee horyaalka heerka saddexaad.

Dhanka kale garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium cayaar dhemartay kooxaha Albadar iyo Hilaac waxaa 2-1 ku adkaatay kooxda Albadar goolasha waxaa u kala dhaliyay cayaaryahanka lambarka 10-aad Anas daqiiqadii 47-aad iyo Cabdirisaaq Cabdi Yuusuf daqiiqadii 75-aad halka goolka ay dhaliyeen kooxda Hilaac uu u dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Cabdicasiis Aasko daqiiqadii 50-aad, labada kooxood ayaa iska lumiyay gool-kulaadyo loo kala dhigay, natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Albadar oo heshay guushii koowaad ee horyaalka heerka saddexaad kulankoodii koowaad ee cayaareen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button