Breaking News

SAWIRRO: Taagerayaasha kooxda Jeenyo oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Maxamuud Cabdi Nuur (Mayma).

Taageerayaasha kooxda kubbadda cagta Jeenyo ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay cayaryahan Maxamed Cabdinuur Mayma oo kooxda dib ugu soo laabtay, tan iyo markii uu kooxda katagay Mayma ayaa u soo cayaaray kooxaha kala ah Elman SC, Horseed, Heegan iyo Dekadda.

Maxamed Cabdinuur Mayma ayaa xili cayaareedkii dhammaaday ka tirsanaa kooxda Dekadda walloow uusan u cayaarin, cayaaryahanka ayaa katagay kooxda Jeenyo xili cayaareedkii 2016-17 xiligaas oo kooxda Jeenyo ay ka tageen cayaartoy waaweyn oo kooxda ku tiirsanayd.

Cayaaryahan Mayma oo ka hadlay xaflada soo dhaweenta taageerayaasha kooxda kubbadda cagta Jeenyo ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa hore Jeenyo uu waqti wanaagsan ku soo qaatay wuxuuna u mahadceliyay taageerayaasha kooxda Jeenyo oo u muujiyay iney ku faraxsan yihiin soo laabashadiisa Naadiga Jeenyo.

Si kastaba kooxda Jeenyo oo ku dhammeysatay kaalinta 8-aad xili cayaareedkii dhammaaday 2020-21 ayaa kamid ah kooxaha isku diyaarinayo xili cayaareedka cusub 2021-22 horyaalka heerka koowaad Somali Premier League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button