Breaking News

SAWIRRO: Tartan Kubbadda cagta oo lagu maamusaayo toddobaadka dhaqanka ee jaamacadda Simad oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Simad oo kamid ah jaamacadaha waxbarasho ee ka jiro dalka ayaa shalay u billowday tartan kubbadda cagta ah dhammaan ardeyda wax ka barata kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Tartankan oo loogu magacdaray toddobaadka dhaqanka jaamacadda Simad ayaa ah mid sannadkiiba mar loo qabto ardeyda jaamacadda Simad.

 Madasha furitaanka tartanka waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah maamulka jaamacadda ardeyda jaamacadda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay furitaanka  tartanka toddobaadka jaamacadda Simad.

Mid ka mid ah maamulka jaamacadda oo ka hadlay furitaanka tartanka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay billaabashada tartankan oo sannadkiiba ay mar qabato jaamacaddu.

Sidoo kale qaar kamid ah ardeyda jaamacadda oo ka hadlay madasha furitaanka tartanka ayaa  u mahadceliyay maamulka jaamacadda Simad.

Si kastaba tartanka toddobaadka dhaqanka jaamacadda Simad ayaa ka kooban cayaaro kala duwan oo toddobaadka dhaqanka lagu wayneeyo waxaana sannadkiiba mar jaamacaddu ay u qabataa kulliyadaha kala duwan ee Simad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button