HORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda k/cagta Gasco oo gaartay guushii koowaad halka Bariga Dhexe & Hilaac ay barbaro ku hishiiyeen horyaalka heerka saddexaad.

Kulamo ka tirsan horyaalka heerka saddexaad ayaa shalay lagu kala cayaaray garoomada kubbadda cagta Stadium Muqdisho & garoonka Jaamacaddaha.

kooxaha kubbadda cagta Gasco & Somali Fruit ayaa ku wada cayaaray garoonka Muqdisho Stadium kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa cayaarta ku gacan sareysay naadiga kubbadda cagta Gasco oo shalay soo bandhigtay qaab cayaareed cajiib ah iyadoo bandhig wanaagsan uu garoonka ka sameeyay cayaaryahanka lambarka 7-aad Cabdalla Maxamed Maxamuud kaddib markii uu dhaliyay saddexda gool ee kooxdiisa kaga adkaatay naadiga Somali Fruit.

Daqiiqadii 20-aad ayuu hoggaanka kooxdiisa u dhiibay cayaaryahan Cabdalla Maxamed goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad, marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka waxaa halkaas ka sii socday bandhigii wanaagsanaa ee kooxda Gasco waxaana goolkii labaad iyo kiisa saddexaad sii raacsaday cayaaryahan Cabdalla Maxamed daqiiqadihiiii 62-aad iyo 80-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda Gasco oo gaartay guushii koowaad maadaama kulankii hore ay barbaro la galeen kooxda Rajo halka naadiga Somali Fruit oo kulankii koowaad guuldarro kala kulantay kooxda Ummah Hospital, sidoo kale shalay ay soo gaartay guuldarradii labaad horyaalka heerka saddexaad.

 Dhanka kale garoonka kubbadda cagta Jaamacaddaha waxaa ku wada cayaaray kooxaha kala ah Bariga Dhexe & Hilaac, labada kooxood ayaa soo bandhigay cayaar awood ahaan garbo siman ku socotay qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 0-0 walloow ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka waxaa hoggaanka cayaarta la wareegtay kooxda kubbadda cagta Bariga Dhexe gool uu u dhaliyay cayaaryahanka u xirto lambarka 10-aad daqiiqadii 59-aad, naadiga kubbadda cagta Hilaac oo ka carareysay guuldarradii labaad oo soo gaarto ayaa cadaadis saartay cayaartoyda kooxda Bariga Dhexe taas oo keentay iney helaan goolka barbaraha cayaarta waxaana u dhaliyay cayaarayahanka lambarka 19-aad Yoonis Cumar daqiiqadii 83-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 oo labada kooxood ay isku mari waayeen 90-ka daqiiqo ee cayaarta.

Si kastaba kooxda kubbada cagta Bariga Dhexe ayaa heshay hal dhibac kulankii koowaad ay cayaareen horyaalka heerka saddexaad halka kooxda Hilaac kulankii koowaad ay guuldarro ka soo gaartay naadiga Albadar halka kulankii labaad ay barbaro la galeen naadiga Bariga Dhexe cayaartii labaad ay cayaareen horyaalka heerka saddexaad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button