Uncategorized

SAWIRRO: Kooxda Kubbadda Cagta Ummah Hospitaal oo gaartay guushii labaad horyaalka heerka saddexaad.

Kooxda kubbadda cagta Ummah Hospitaal ayaa gaartay guushii labaad horyaalk heerka saddexaad kaddib cayaar aad u xiiso badan oo dhexmartay Ummah Hospital & Albadar.

Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa cayaarta ku gacan sareysay kooxda Ummah Hospital daqiiqadii 7-aad ee cayaartay waxaa hoggaanka kooxdiisa Ummah Hospital u dhiibay cayaaryahanka lagu magacaabo Cabduraxmaan Maxamuud Maxamed kaas kulankii labaad kooxdiisa u dhaliyay goolkiisa labaad, intaan qaybta nasashada la aadin waxaa goolka labaad u dhaliyay kooxda Ummah Hospitaal cayaaryahanka lambarka 47-aad Cali Xasan Cali kubbad aheyd laadka xurta (Free Kick) 2-0 oo hoggaanka ku haysay naadiga Ummah Hospitaal ayaa la aaday nasashada.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee kulanka cayaartoyda kooxda kubbadda cagta Albadar ayaa la soo laabtay qaab cayaareed weerar ah taas oo keentay iney helaan gool daqiiqadii 51-aad waxaana u saxiixay goolkaasi cayaaryahanka lambarka 7-aad Cali Cabdullaahi kaas oo kulanka ka dhigay 2-1 weeraro iyo dadaalo kale ay sameeyeen cayaartoyda kooxda Albadar fursad uma helin iney dhaliyaan gool kale hase yeeshee waxaa quusiyay kooxda Albadar daqiiqadii 85-aad cayaaryahanka lambarka 80-aad Daahir oo kulanka beddel ku soo galay natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay kooxda Ummah Hospitaal.

Si kastaba naadiga Ummah Hospitaal ayaa heshay guushii labaad horyaalka heerka saddexaad sidaas waxey ku leeyihiin 6-dhibcood halka kooxda Albadar oo kulankii koowaad ka soo adkaatay naadiga Hilaac ayaa guuldarro kala kulantay kooxda Ummah Hospitaal waxeyna leeyihiin 3-dhicood horyaalka heerka saddexaad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button