Breaking News

Labo xiddig oo muhiim u ah kooxda Rajo FC oo dhaawac ku seegi doono kulanka galabta.

Kooxda kubbadda cagta Rajo FC oo galabta la cayaari doonto naadiga kubbadda cagta Somali Fruit waxaa dhaawac kaga maqnaan doono labo cayaaryahan oo muhiim u ah safka kooxda koowaad ee naadiga Rajo.

Axmed Ibraahim Daahir oo ka cayaaro lambarka 3-aad ee daafaca ayaa dhaawac kaga maqnaan doono kulanka galabta kooxdiisa la cayaareyso naadiga Somali Fruit horyaalka heerka saddexaad, sidoo kale waxaa kulankan dhaawac ku seegi doono cayaaryahanka khadka dhexe kooxda Rajo Deeq Maxamed Xasan labadan cayaaryahan ayaa ka mid ah cayaartoyda muhiimka u ah kooxda Rajo oo galabta wajaheyso kulankoodii labaad kooxda Somali Fruit.

Macalinka kooxda Rajo Cabduraxmaan Xasan Cali oo la hadlay Website-ka Astaan Sports ayaa xaqiijiyay dhaawaca labadan xiddig oo ka mid ah cayaartoyda safka koowaad ee kooxda Rajo dhammaan cayaartoyda kale ee kooxda Rajo ayaa diyaar u ah kulankaan sida uu sheegay macalinka kooxda.

Si kastab kooxda Rajo ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay kooxda Casco kulankii furitaanka horyaalka heerka saddexaad cayaar dhacday 20/05/2022 maalin jimco ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button