Breaking News

SAWIRRO: Xaflad lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha cusub ee Kooxda Geeska Africa oo ka dhacday Muqdisho.

Xafladan soo dhaweynta guddoomiyaha cusub ee kooxda kubbadda cagta Geeska Africa  Yuusuf Axmed Xassan ayaa xalay Muqdisho lagu qabtay.

Waxaa ka soo qaybgalay xaflada xil wareejinta guddoomiyaha XKCS Mudane Cali Cabdi Maxamed  (Cali Shiino) xubno ka socday guddiga fulinta XKCS, guddoomiyaasha kooxaha ka dhisan dalka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha cusub ee kooxda Geeska Africa Yuusuf Xassan oo xilka kala warreegay guddoomiyihii hore ee kooxda Abuukar Safaana oo ka hadlay madasha ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha uu xilka kala warreegay, isagoo intaa kudaray in uu xoogga saari doono sidii kooxda dib ugu soo laaban lahayd horyaaka heerka koowaad Somali Premier League oo kooxda ay cayaartay xili cayaareedkii dhammaaday 2020-21.

Maamulka kooxda Geeska Africa waxey sidoo kale macalinka cusub ee kooxda u magacaabeen kabtankii hore xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Elman SC Xasan Cali Nuur Babaay, iyo macalin ku xiggeenka kooxda oo loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar.

Si kastaba kooxda Geeska Africa ayaa dib ugu dhacday horyaalka heerka labaad kaddib markii ay ku dhammeysatay kaalinta 10-aad kala sareynta horyaalka Somali Premier League 2020-21.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button