Breaking News

SAWIRRO: Daafacii hore kooxda Horseed Cumar Shariif oo si rasmi ugu biiray kooxda Dekadda.

Daafacii hore kooxda kubbadda cagta Horseed Cumar Shariif ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda kubbadda cagta Dekadda oo ka mid ah kooxda ugu adag horyaalka Somali Premier League.

Cayaaryahan Cumar Shariif oo xili cayaareedkii dhammaaday kula guuleystay horyaalka Somali Premier League kooxda Horseed wuxuu ka mid yahay daafacyada ugu adag ee ka cayaaro horyaalka Somal Premier League, Cumar Shariif ayaa hishiis labo sano ah u saxiixay kooxda Dekadda oo ku jirto diyaar garowga horyaalka Soomaaliya.

Kooxda kubbadda Dekadda oo xili cayaareedkii dhammaaday ku dhammeysatay kala sareynta horyaalka kaalinta 5-aad, ayaa laga dhaliyay 17-gool waana kooxda 7-aad ee laga dhaliyay goolasha ugu badan horyaalka Somali Premier League xili cayaareedkii dhammaaday 2020-21.

Daafacii hore kooxda Horseed oo ka hadlay ku biiritaanka kooxda Dekadda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay wuxuuna intaa kudaray inuu kooxda Dekadda ka caawin doono sidii ay ugu guuleysan laheyd dhammaan tartamada ay kooxda ka qaybgaleyso oo ugu horreeyo horyaalka Somali Premier League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button