Breaking News

SAWIRRO: Xassan Santos oo ka soo dhex muuqday tababarka kooxda Elman SC.

Saxiixa cusub ee kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa ka soo dhex muuqday tababarka kooxda kubbadda cagta Elman SC ay isugu diyaarineyso bilowga xilli cayaareedka cusub ee horyaalka heerka labaad dalka.

Kooxda Elman ayaa ku dhawaaqday saxiixa cayaaryahankii hore kooxda MCC Xassan Santos kaas oo ka tirsanaa xilli cayaareedkii dhammaaday kooxda MCC, cayaaryahanka khadka dhexe ayaa saaka qayb ka ahaa tababarka kooxda iskugu diyaarineyso xilli cayaareedka cusub.

Kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa horre u soo bandhigtay labo cayaaryahan oo ajnabi ah oo lagu kala magacaabo Idirisu & Philips oo  ka soo kala jeedo wadamada Chana iyo Nigeria iyo daaficii hore ee kooxda Dekaddaha Cabdiweli Weliij , Xassan Santos ayaa noqonayo saxiixii afaraad ee ku soo biiro kooxda tan iyo markii ay dib ugu laabtay horyaalka heerka labaad ee dalka

Si kastaba kooxda kubadda cagta Elman SC ayaa bishii September hishiisyo cusub ka saxiixatay qaar kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan safka koowaad ee naadiga Elaman.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button