Breaking News

SAWIRRO: Jaamacadda Simad oo soo gabagabeysay tartan kubbadda cagta ah oo loo qabtay Ardeyda Jaamacadda.

Jaamacadda Simad ayaa soo gabagabeysay tartan kubbadda cagta ah oo loo qabtay dhammaan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Tartankan oo loogu magacdaray toddobaadka dhaqanka jaamacadda Simad ayaa ah mid sannadkiiba mar loo qabto ardeyda jaamacadda Simad.

Tartankan oo socday muddo seddex toddobaad ah waxaa iskugu soo haray fiinaalka  Faculty of Computer Science & Faculty of Social Science waxaana 2-0 guusha ku raacday Faculty of Computer Science oo sanadkii 2-aad oo xiriir ah noqdeen horyaalka Jaamacadda Simad.

Markii kulanka soo dhammaaday  waxaa goobta qudbado kala duwan ka jeediyay Xoghayaha Jaamacadda iyo Madexweynaha Ardeyda Jaamacadda Simad oo ugu hambalyeeyay labada Fucult ee soo gaaray fiinaalka tartanka toddobaadka dhaqanka Jaamacadda Simad.

Si kastaba tartanka toddobaadka dhaqanka jaamacadda Simad ayaa ka kooban cayaaro kala duwan oo toddobaadka dhaqanka lagu wayneeyo waxaana sannadkiiba mar jaamacaddu ay u qabataa kulliyadaha kala duwan ee Simad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button