HORYAALADA

Taariikhda isboorti ee Kooxda Rajo FC (Warbixin dhammaystiran)

Horyaalka kubada cagta ee heerka seddaxaad xilli cayaareedkaan waxaa ka qaybgalaya ilaa 7 kooxood oo kala ah Rajo, Ummah Hospital, Gasco, Bariga dhexe, Somali Fruit, Al-Beder iyo Hilaac.

Si aan xog badan uga helno kooxahan ayaanu maalinba koox ka mid ah wada baran doonaa taariikhdeeda isboorti.

Waxaan maanta ku bilaabaynaa Kooxda Rajo.

Kooxda kubbadda cagta Rajo waxay ka mid tahay kooxaha heerka seddaxaad ee dalka, waxayna kubadda cagta ku dhex leedahay taariikh isboorti oo soo taxan ilaa horraantii sagaashameeyadii.

Si aan wax badan ugu ogaanno taariikhda kooxda waxey AstaanSports.com khadka taleefoonka kula xiriirtay  Guddoomiyiha kooxda Rajo Mudane Cabdullaahi Cilmi Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Markii ugu horreysay kooxdan waxaa la aas-aasay sanadkii 1994-tii iyadoo wadata magaca HACHS. Sanad ka dib xili cayaareedkii 1995-96 waxay ka qaybgashay tartankii horyaalka 28aad ee heerka koowaad ee dalka, waxaana u suurogeshay inay ku guuleysto koobkii horyaalkii 28aad.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay kooxdu iyadoo wadata magaca HACHS ayay ka mid ahayd kooxihii heerka koobaad (seria A) ee dalka ilaa iyo sanadkii 2000.

Sanadkii 2004tii kooxdu magac cusub ayay la baxday kaas oo ahaa SOCOMIN, waxayna ka qaybgashay horyaalkii heerka labaad ee Xilli cayaareedkii 2004-5, markii uu dhammaaday xili cayaareedkaasi, waxey kooxda u dhacday horyaalka heerka saddexaad.

Kooxdu iyagoo wadata magaceeda cusub ee SOCOMIN ayay ka qaybgashay tartanka horyaalka keerka seddaxaad xilli cayaareedkii 2005-2006, waxaana u suurogashay inay hantaan koobkii horyaalka seria C ee sanadkaas.

Sanadkii 2006 kooxdu mar kale ayay magaceedii beddeshay iyadoo markaan diiwaangashatay magaca Dahabshiil, balse nasiibdarro iyadoo isku diyaarinaysa inay mar kale safato horyaalka heerka labaad ayuu dalku galay marxalad dagaal waxaana la joojiyay dhammaan tartamadii isboorti ee dalka ilaa laga gaaray 2009kii.

Kooxda mar kale ayay garoomada kubbadda cagta dib ugu soo laabatay sanadkii 2014kii iyadoo wadata magaceeda Rajo, waxeyna ka qaybgashay horyaalkii heerka labaad (seria B) xilli cayaareedkii 2014-2015.

Mar kale ayay Kooxda Rajo safatay tartankii horyaalka heerka labaad  xilli cayaareedkii 2018-2019, waxayna markaan soo gaartay kulankii kama dambaystay ahaa, balse waxaa ka guuleysatay oo koobkii ka qaadatay kooxdii Raadsan, sidaasna waxay ku gashay kaalinta labaad ee horyaalkii heerka labaad ee 2018-2019, taasina waxay u saamaxday inay u soo gudubto heerka koowaad.

Kooxda Rajo waxay ka qaybgashay horyaalka heerka koowaad xilli cayaareedkii 2019-2020, markii uu dhammaaday xilli cayaareedkaasi waxey dib ugu laabatay horyaalka heerka labaad.

Waxey ka mid noqotay kooxaha ka cayaaray horyaalka heerka labaad xilli cayaareedkii 2020-21 sidoo kale waxey dib ugu dhacday horyaalka heerka saddexaad markii uu dhammaaday xilli cayaareedkii 2020-21.

Xilli cayaareedkan cusub 2021-22, kooxda Rajo waxey ka mid tahay 7-kooxood ee ka cayaaraya horyaalka heerka saddexaad, waxaana macallin u ah Macallin C/raxmaan Xasan Cali “Xamaan” oo rajo badan ka muujinaya inuu sanadankan kooxda ka saari doono heerka seddexaad.

“Waxaan rajo wayn ka qabaa inaan kooxda dib ugu soo celiyo heerarka labaad iyo koowaad ee horyaalka dalka, haddii uu eebbe idmo” ayuu yiri Macallin C/raxmaan oo u waramayay Astaan Sports. 

Macallin Cabdiraxmaan Xasan Cali “Xamaan” waxaa xilka macallinimo ee kooxda loo magacaabay dabayaaqadii xilli cayaareedkii 2020-2021. “6 kulan ayaan kooxda macalin u ahaa markii ay kooxdu dib ugu dhacday heerka seddaxaad” ayuu yiri Macallin Xamaan oo intaa ku daray “wuxuu go’aankeygu ahaa inaan kooxda ka badbaadiyo heerka seddaxaad, balse nasiibdarro hal dhibic ayaan hoos ugu dhacnay heerka 3aad”.

Macallin C/raxmaan  ayaa sheegay in kulankii ugu adkaa ee ay kooxdiisa safato uu ahaa kulan ay la la cayaareen kooxda Jamuuriya kulankaasi oo looga adkaaday 4-3 taas oo keentay iney dib ugu dhacaan horyaalka heerka saddexaad, waxaana sidaasi ku guddubtay kooxda Jamhuuriya oo ka mid noqotay kooxaha horyaalka heerka labaad ee dalka.

Xilli cayaareedkan 2021-2022 ee tartanka kubadad cagta heerka seddaxaada waxay Kooxda Rajo ilaa iyo hadda cayaareen labo kulan,  labada kullanba barbarro ayey galeen.

Macalin Cabdiraxmaan Xasan Cali “Xamaan” xirfaddiisa macallinnimo waxa uu ka soo bilaabay kooxda Onkod Sports oo ka dhisneyd degmada Dharkeynley waxaa uu soo noqday macalilnka labaad ee degmada Waaberi wuxuuna degmada waaberi la gaaray fiinaalka tartanka degmooyinka sanadkii 2019-kii oo guuldarro ay kala kulmeen degmada Dharkenley.

 Sanadkii 2021kii waxaa loo magacaabay macallinka degmada Yaaqshiid wuxuuna soo gaarsiiyay wareegga afar dhammaadka tartanka degmooyinka,  waxaana tartanka degmooyinka ka reebtay degmada Warta-nabadda oo u gudubtay fiinaalka tartanka degmooyinka 2021.

WQ/ Ahmed Mohamed Hassan Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button