Breaking News

SAWIRRO: Kooxda kubbadda cagta Horseed oo soo bandhigtay labo xiddig oo ku soo biiray.

Kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa warbaahinta u soo bandhigtay saxiixa labo cayaaryahan oo ku soo biiray naadiga Horseed.

Cayaaryahankii horre ee kooxda kubbadda cagta MCC Feysal Xassan Xaashi ayaa si rasmi ah ugu warreegay kooxda Horseed, Feysal wuxuu ka mid ahaa cayaartoyda dhanka weerarka ugu cayaarayay xilli cayaareedkii hore kooxda MCC, waana mid ka mid ah weeraryahanada halista ah ee ka cayaara horyaalka Somali Premier League.

Cayaaryahan Feysal Xassan Xaashi ayaa ka hor imaan karo kooxdiisa hore MCC, haddii loo soo xusho safka koowaad kulanka galabta ay ku balansan yihiin kooxaha Horseed & MCC Supercopaha dalka,

Dhanka kale kooxda Horseed ayaa soo bandhigtay cayaaryahankii horre kooxda Midnimo Ayman kaas oo u cayaarayay kooxda Midnimo tan iyo sanadkii 2018-kii, wuxuuna ka cayaaraa qaybta midig ee daafaca.

 Saxiixa Ayman ayaa ku soo beegmayo xilli kooxda kubbadda cagta Horseed uu katagay Cumer Shariif oo ku biiray kooxda Dekadda, cayaaryahan Ayman oo la hadlay Astaan Sports ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay naadiga Horseed, wuxuuna intaa kudaray inuu rajo weyna ka qabo inuu kula guuleysto koobab waaweyn sida Horyaalka Somali Premier League iyo tartamada kale ee kooxda cayaareyso.

Si kastaba kooxda difaacaneyso horyaalka Somali Premier League Horseed oo ku jirto diyaar garowga xilli cayaareedka cusub ayaa galabta la cayaari doonto kooxda MCC koobka Supercopaha dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button